Ciidankii ugu horreeyey ee Kuuriyada Waqooyi ah oo ku dhintay Ukraine

0
97

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu dilay dagaal ay ciidamada Ukraine kula galeen gobolka Kursk ee dalka Ruushka, sida uu sheegay Maraykanku.

Khasaarahan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee la sheego tan iyo markii ay soo baxday bishii October in Kuuriyada Waqooyi ay u dirtay ku dhawaad ​​10,000 oo askari si ay u xoojiyaan dadaalka dagaalka ee Ruushka.

Hay’adda sirdoonka milateriga ee Ukraine, GUR, ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 30 askari oo Kuuriyada Waqooyi ah lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaal dabayaaqadii toddobaadkan dhacay. BBC-du si madaxbanaan uma xaqiijin sheegashada.

Ciidamada Waqooyiga Kuuriya, oo aan hore u haysan khibrad dagaal deegaankana aan garanayn, ayaa la rumeysan yahay in la siiyey toddobaado tababar ah iyo dad dhulka tusa.

Sabtidii, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ruushku uu bilaabay inuu isticmaalo qaybo ka mid ah ciidamada Kuuriya si ay u weeraraan gobolka Kursk, oo qaybo ka mid ah Ukraine ay qabsatay tan iyo markii uu bilaabay duulaan lama filaan ah bishii Agoosto.

Isaga oo la hadlayay warfidiyeenka Isniintii, xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka Major General Pat Ryder ayaa sheegay in Maraykanku uu rumeysan yahay in askarta Kuuriyada Waqooyi ay ciidamada Ruushka kula barbar dagaalameen gobolka Kursk  ayna la kulmeen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ma aanu sheegin tiro cayiman, laakiin wuxuu sheegay in ciidamadu ay dagaal ku jireen wax yar ka hor toddobaad.

Waxa uu intaa ku daray in ay u muuqatay in Kuuriyada Waqooyi loo adeegsan jiray doorka lugta iyo in ku lug lahaanshahooda loo malaynayo ilaa hadda in ay ku kooban tahay Kursk, taas oo ka dhigan in aan la geyn Ukraine lafteeda.

Ciidamada Ruushka oo duullaan ballaadhan ku qaaday dalka Ukraine bishii February ee sanadkii 2022-kii, ayaa bilihii u dambeeyay ku sii siqaya qaybo ka mid ah bariga dalkaasi.

GUR ayaa sheegtay in khasaaraha Kuuriyada Waqooyi uu dhacay Sabtidii iyo Axaddii oo uu ka dhacay tuulooyinka Kursk ee Plechovo, Vorobzha, iyo Martynovka.

Isniintii, Madaxweyne Zelensky waxa uu Telegram-ka soo galiyay muuqaal ay soo duubtay diyaarad aan duuliye lahayn oo muujinaya tiro rag ah oo geedaha ku gabanaya, iyaga oo la sheegay in ay yihiin ciidamada Kuuriyada Waqooyi oo dhawaan ka qayb qaatay weerar lagu qaaday goob Ukraine ah.

Waxa uu sidoo kale soo bandhigay muuqaalo sheegaya  ciidamada Ruushka oo isku dayaya in ay qariyaan joogitaanka Kuuriyada Waqooyi ee goobta dagaalka iyaga oo adeegsanaya waxyaabo ay ku bedelayaan wejiyada dadka la dilay.

“Ciidanka Difaaca ee Ukraine iyo sirdoonka ayaa ka shaqaynayaan sidii ay u ogaan lahaayeen inta uu le’eg yahay khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay cutubyo Ruush ah oo ay ku jiraan Kuuriyada Waqooyi,” ayaa la yidhi.

Waxa uu intaa lagu daray in aaanay jirin sabab ay Kuuriyada Waqooyi ay ugu dhintaan dagaalkan”.

Kremlin-ka iyo Wasaaradda Difaaca ee Ruushka oo loo gudbiyey su’aalo ku saabsan arrimahan wax faallo ah ka bixin. Midowga Yurub iyo dalal ay ka mid yihiin UK, US, Australia iyo South Korea ayaa sheegay ku lug lahaanshaha Pyongyang ee

.