Ukraine oo sheegatay dilka Jeneraalkii hubka Nukliyerka ee Ruushka

0
91

Ukraine ayaa salaasadii sheegtay in ay mas’uul ka tahay dilka Jeneraal sare oo Ruush ah oo lagu dilay waddo ku taal Moscow iyada oo meel fog lagaga soo tuuray bam lagu qariyay mooto tiilay meel u dhow dhismihiisa

Lt. Gen. Igor Kirillov, oo ahaa madaxa ciidamada militariga ee ilaalinta nukliyeerka iyo kiimikada, ayaa la dilay xilli uu u sii socday xafiiskiisa, sidoo kale waxaa la dilay kaaliyihii Kirillov.

Dhowr waddan, oo ay ku jiraan Ingiriiska iyo Kanada, ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Kirillov, oo 54 jir ah, falkii uu ka geystay Moscow dagaalkii saddexda sano ku dhowaa ee Ukraine. Isniintii, Adeegga Ammaanka ee Ukraine, ama SBU, ayaa furay baadhitaan dembi oo ka dhan ah, iyaga oo ku eedeeyay inuu hagayay isticmaalka hubka kiimikada ee la mamnuucay.

Sarkaal ka tirsan SBU oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in hay’addu ay ka dambeysay. Sarkaalka ayaa Kirillov ku tilmaamay “Dambiile dagaal iyo bartilmaameed sharci ah.”

SBU waxa ay sheegtay in ay diiwaangelisay in ka badan 4,800 oo jeer markii uu Ruushku u adeegsaday hubka kiimikada goobta dagaalka tan iyo markii uu si buuxda u galay Ukraine bishii February 2022. Bishii May, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay isticmaalka chloropicrin, oo ah sun gaas ah oo markii ugu horeysay lagu isticmaalay dagaalkii 1aad ee aduunka, oo lagula dagaalamay ciidamada Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay in uu wax hub ah u adeegsaday Ukraine,waxana uu ku eedeeyay Kyiv in ay suntan u adeegsatay dagaalka.

Kirillov, waxa uu shaqadan hayey tan iyo 2017, waxa uu ahaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu magaca weyn si uu u qiimeeyo eedeymaha Kyiv.

Wararka ka imanaya Ruushka ayaa sheegaya in bamkii loo adeegsaday weerarkii Salaasadii uu ahaa mid meel fog laga hagayey. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay daaqado burburay iyo leben gubtay.