Madaxweynaha Somaliland oo Xukuumaddiisa Amray La-shaqaynta Golaha Wakiillada

0
22

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Drv Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa faray xubnaha xukuumadiisa dhammaantood inay si buuxda ula shaqeeyaan golaha wakiillada Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu caddeeyay inay isaga iyo xukuumadiisuba diyaar u yihiin inay ixtiraamaan doorka Shir-guddoonka iyo golaweynuhuba ku leeyihiin talada dalka iyo Qarankaba.

Madaxweynaha ayaa golaha wakiillada ku boggaadiyay hawlaha ay qabteen mudadii ay joogeen golaha, waxaanu balanqaaday in wixii kale u hadhsana ay ka xukuumad ahaan hareeraha la qaban doonaan, waxaanu xusay in markasta uu la socod-siin doono wixii hawla ah ee Qaranka ku soo kordha, si ay doorkooda uga qaataan hawl-socod-siinta hawlaha dalka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, waxa uu sidan ka sheegay hadhima-sharafeed uu shalay Qasriga madaxtooyada ugu sameeyay shir-guddoonka iyo mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland iyo dhammaan mudaneyaasha goleweynaha uga mahadcelinaya inay soo ajiibeen hadhima-sharafeedkan, aanu halkan ugu sameynay, 12 sano ayaan ahaa xildhibaan iyo guddoomiye gole.

Madaxweyne iyo xukuumad ahaanba waxaan idiin xaqiijinayna in aanu diyaar u nahay in goleweynaha iyo shir-guddoonkaba la shaqayno, in aanu ku ixtiraano iyo doorka ay ku leeyihiin Qaranka iyo halka ay talada Qaranka kaga jiraa.

Saddexda xisbi ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u soo baxay ee tobanka sano ee socdana waan hanbalyaynayaa.

Golayaasha dhammaantood ama baarlamanaanka Somaliland waanu la shaqaynaynaa ka xukuumad ahaan, waanu soo dhaweynaynaa mucaarid iyo muxaafidba.

Anigu barigi hore aan xildhibaanka iyo guddoomiyaha ahaana Mucaaridbaan ahaa maantana muxaafidbaan ahay, balse labadaba waan la shaqaynaya haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Goleweynaha waanu u mahadcelinaynaa Qaranka hawl dastuurku idinku waajibiyay ayaad u haysaan, intii aada qabateena waad ku mahadsan tihiin, inta aad qaban doontaana hareeraha ayaanu idinla qaban doona, waanu idinla shaqayn doona, markale iyo wakti kastaba waanu idinla kulmi doona innaga oo kawada shaqayn doona arrimaha Qaranka.”

Madaxweynaha ayaa ku wargeliyay mudaneyaasha golaha wakiillada in ay dhawaan ugudbin doonaan xukuuamadda cusub si ay waajibaadkooda dastuurigaa ah ugu gutaan.

Waxaanu yidhi.“Waxa kulankan inagala soo qayb qaatay xubnihii xukuumadda cusub, oo soo dhammeysanaya haddii ILLAAHEY yidhaahdo wixii xeerarku ku waajibiyay ee dhukumentis ah, waanu idiin soo gudbin doona, idinkuna waajibkiina ayaad ka gudan doontaan, sida ugu dhakhsaha badan si iyaguna shaqadii Qaranku u igmaday ugutaan, xukuumada cusubna dhammaanteedba waxaan faraya inay si buuxda ula shaqeeyaan golaha wakiillada haddii ILLAAHEY yidhaahdo”