Madaxwaynaha JSL oo Magacaabay la Taliyayaal

0
144

Hargeysa (Dawan)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa magacaabay la Taliyayaal madaxwayne, kuwaasi oo uu u magacaabay xubno waayo’arag ah oo ka mid ahaa xibiga muxaafidka ah ee Waddani.

Kaalamaha muhiimka ah ee ay masuuliyiintani kala talinayaan Madaxwaynaha ayaa kala ah siyaasadda, arrimaha bulshada, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha Haweenka iyo arrimaha Warbaahinta.

Wareegtada uu madaxwaynuhu ku magacaabay oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan ayaa waxay u dhignayd sida tan:-

Wareegto Madaxweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-016/122024 uu ku magacaabay La-taliyeyaal Madaxweyne.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuha u leeyihiin hab-sami u socodka howlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadoodaba, isla markaana ay hanan karaan mas’uuliyaddaha ka dhalanaya xilalkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaadaan xubnahan hoos ku qoran La-taliyayaal Madaxweyne.

1 Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.

2 Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha.

3 Cali Maxamed Yuusuf (Guray) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

4 Baar Siciid Xaaji Faarax La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Haweenka.

5 Xamse Cali Bulbul Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta.