Hargaysa (Dawan) Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL ayaa waxa uu beeninayaa warqad been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada , taasi oo sheegaysa in Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi uu ka cudur daartay xilkii cusbaa ee Madaxweynaha Somaliland u magacaabay.
Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay warqad si been abuur ah loo sameeyay, taasi oo lagu sheegay in Taliye Maxamed Aadan Shaqadhi ka cudur-daartay xilkaas, taas oo bulshada lagu majara habaahinayay, lagagana been abuuray Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warqadaasi lagu baahiyay baraha Bulshada ku tilmaamay mid been abuur ah, waxaanay shacabka Somaliland uga digeen in aanay ku kadsoomin wararka been abuurka ah ee lagu baahiyo Internet-ka.
War qoraal ah oo lagu baahiyay barta Ciidanka Boolisku leeyahay Facebook ayaa lagu sheegay in warqadaasi ay tahay mid been abuur ah, isla markaasina aanu Taliyihii hore ee Booliska Somaliland aanu ka cudur daaran xilkaasi uu madaxwaynuhu u magacaabay.
Warka beeninta warqadaasi been abuurka ah ee ka soo baxay Ciidanka Booliska ayaa waxa dhignaa sida tan:-
“Taliska guud ee Ciidanka Booliska JSL waxa uu beeninayaa waraaqdan been abuurka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada , taasi oo sheegaysa Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi in uu ka cudur daartay xilkii cusbaa ee Madaxweynuhu maanta u magcaabay”.