Qore: Boqore Axmed Cabdi
Jigjiga (Dawan) Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cali Xaamud Jibriil oo magaaladda Jigjiga ka qayb galay munaasibada lagu xusayay aasaaska dawladnimo ee Deegaanka Soomaalida Itoobiyao oo 32 sanno jirsaday, ayaa tilmaamay in ay Somaliland iyo Deegaanku leeyihiin xidhiidh walaaltinimo.
Gudoomiye Cali Xaamud ayaa sheegay in Somaliland iyo Deegaanka Soomalida Itoobiya iyaga oo dawladnimadu u kala soocan yihiin ay ka wada shaqayn karaan iskana kaashan karaan arrimaha horumarka iyo Ganacsiga, taasi oo ahmiyad wayn u leh mandaqada ay ku wada yaalaan.
Geesta kale waxa uu gudoomiyuhu xusay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo wixii dhibaato ah ee dhex maraya bulshada labada dhinaca iyo labada dawladoodba, sidoo kalena laga daba tago wax kasta oo xumaada oo ay mudnaanta koowaad leedahay mabadda labada dhinac.
Waxa kale oo uu gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiillada Somaliland xusay in loo baahan yaha in labada dal in ay ka wada shaqeeyaan sidii looga guulaysan lahaa, loona dabar-jari lahaa Gaajada, Colaada, Jahliga, Saboolnimada, la iska shaadana dhinaca dhaqaalaha, isla markaasina laga wada shaqeeyo iyada oo laba dawladood la yahay.
Gudoomiye Cali Xaamud oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Soomaali meel kasta oo ay joogtaba inay aayaheeda ka tashato waa waajib dawladnimadu way inoo kala soocan tahay, laakiin waxa ina mideeya waa Soomaalinimada, Diinta, Afka, Isirka, Dhaqanka, Midabka intaba isga mid baynu nahay, wax badan baynu wada qabsan karnaa haddii aynu Soomaali nahay inaga oo kala dawlad ah.”
Gudoomiye Cali Xaamud ayaa ku dheeraaday xidhiidhka labada dhinac oo uu sheegay inuu yahay mid wanaagsan wixii jirana Nabada lagu dhameeyo waxaanu yidhi “Haddii aan wax ka taabto xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawlad deegaanka waa mid aad u fiican, muddo dhawayd waxbaa soo kala dhex galay laakiin koley dad walaalo ah ayaynu nahay oo aan kala maarmayn, in wax kastaba lagu dhameeyo wanaag iyo sharaf.
Sidoo kale Nabadu waa furaha nolosha in gayigeen aan ka dabarjarno Colaada, Gaajada, Jahliga, Saboolnimada aynu dhaqaalaha ka nahay intaasi waa in aynu ka wada shaqayn karno innaga oo laba dawladood kala ah, xuduud dheer baynu wadaagnaa ilaa 700Km ka badan wax badan baynu ka wada shaqayn karnaa, taasi ayaan u soo jeedinayaan Sahacabka labada dhinacba.”