Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka oo Madaxweynaha Somaliland ku Bogaadiyay Mushahar-Kordhinta Ciidamada JSL iyo Magacaabista Taliyaha Cusub
Qore C/wahaab Daahir Xasan
Oog (Dawan) Saraakiil iyo Askar ka tirsan Ciidamada qaranka Somaliland ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha Qaranka mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, tallaabadii geesinimada ahayd ee uu mushaharka ugu kordhiyay ciidamada kala duwan ee dalka iyo magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug.
Saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidanka qaranka JSL oo ku sugan Taliska bariga Somaliland ee degmada Oog ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Taliyaha cusub ee madaxweynaha qaranku u magacaabay Taliyaha ciidanka qaranka sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug.
Saraal, taliyayaal sarsare iyo askar ka mid ah ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee aagga bari ee taliska Oog, ayaa madaxwaynaha Somaliland ku bogaadiyay go’aankii uu qadaay ee uu ciidanka qaranka ugu soo magacabay Taliyaha cusub, go’aankaasi oo ay ku tilmaameen is-bedel dhiig cusub ah.
Saraakiisha iyo askarta ciidanka qaranka Somaliland ee aagga bari ee arrintan ka hadlay ayaa taliyaha cusub ee ciidanka Qaranka Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug ku tilmaamay in uu yahay aqoonyahan khibrad durugsan u leh dhinaca arimaha ciidamada kuna soo jiray ciidamada qaranka muddo aad u dheer.
Dhinaca kale, ciidamadu waxay madaxwaynaha Somaliland ku bogaadiyeen go’aankii uu musharka ugu krodhiyay ciidamada qaranka, iyo ballan-qaadkiisi uu ka dhabeeyay. Kaas oo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada ciidamada u ballan-qaaday in uu musharka u kordhin doono oqolkiiba laba boqol iyo konton.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa si rasmi ah uga dhabeeyay ballan-qaadkaas uu ciidamada u sameeyay, isaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, 22-kii bishan Xeer Madaxweyne ku soo saaray Mushahar Kordhinta Ciidamada kala duwan ee Somaliland. Rajadaas oo hadda noqotay mid dhabowday.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waaxan hambalyeynayaa madaxwaynayha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo aan ku bogaadinayo go’aanka uu qaatay ee uu ciidamadda qaranka ugu soo magacaabay taliyaha cusub, kaasi oo aanay jirin cid kaga habboonayd in loo soo magacaabo taliyaha ciidabka qaranka”.
Saraakiisha iyo ciidamada bogaadiyay Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka, ayaa sheegeen in taliyaha cusub ee madawxayhuhu u soo magcaabay ciidanka qaranka JSL uu yahay sarkaal u qalma hoggaaminta ciidanka qaranka Somaliland, waxaanay ka markhaati kaceen aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa dhinaca ciidanka qaranka, muddo dheerna uu ku soo dhex jiray ciidanka qaranka, isla markaana ay kalsooni weyn ku qabaan.
Waxa kale oo ay u duceeyen siina sagootiyeen Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo muddo dheer soo hoggaaminayey ciidanka qaranka Somaliland, haatana madaxwaynaha Somaliland u magacaabay La-taliha madawnaha ee arimaha ciidanka qaranka Somaliland, waxana ay ku tilmaamayn masuul ruugcadaa ah oo hoggaamin iyo odaynimo ba lahaa.
Geesta kale waxa ay saarkisha ciidmada qaranka iyo askartu ba bogaadiyeen tallaabada ciidamada lagu diwaan galinayo laguna nidaaminayo si loo helo ciidan diwaan gashan oo xogtoodu sugan tahay si ay u fududaato mushahar kordhinta, qaabaynta iyo hawlaha kale ee ciidamadu u baahan yihiin.
“Madaxwayne laba jeer ba waan kuu hambalyeynayaa, in aad ballanqaadkaagii ka dhabaysaa waa go’aan geesinimo leh. Waxa kale oo aan kaaga mahad celinayaa isbadalka dhiigga cusub ah ee aad samaysay in aad maanta dalkeena ku aaminto dhalin yaro aqoon leh, oo mudadii Somaliland jirtay kacaantay.”
Gabagabadii Ciidama iyo saraakhiisha ayaa ku sifeeyey go’aanka iyo magacabista madawaynaha Somaliland u soo xushay in Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug uu noqdo talilaha ciidanka qaranka Somaliland, ay tahay guul u soo hoyatay qaranka iyo ciidamada qaranka Somaliland, isla markaasina ay ka ciidan ahaan ugu dhigan tahay guul taarikhiya, amaanteeda na yu leehaya madaxwaynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.