Qodobada lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Somalialnd

0
41

Hargeysa (Dawan)- Fadhigii 7-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Khamiistii ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ayaa ka koobnaa arimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka . Ugu horeyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka kaas oo sheegay in xaaladda guud ee dalku ay tahay mid degan oo nabad ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka wuxaa uu ku ammaanay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo soo wareejisay dakhliyadii kala duwanaa, isla markaana soo xaraysay dakhlihii ay qabatay laga soo bilaabo January 1st, 2025.

Sidoo kale, waxa ay Wasaaradda Duulistu hirgalisay qaab u suurto-galinaya Wasaaradda Maaliyaddu inay la socoto xogta adeegyada dakhli qabasho ee madaarka, kana dhigaysa dakhliga madaarka mid banyaal ah (transparent).

Dhanka kale, qodobada muhiimka ah ee lagaga hadlay fadhigiigolaha wasiirrada waxa ka mid ahaa:-

  1. Shaqaalaha Ku meel gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Ha’yaadaha Dawliga ah kuwaas oo Madaxweynahu xal u helistooda u saarey Guddi Wasiiro ah oo ka kooban Lix Wasiir.
  2. Warbixin ku Saabsan Difaaca Dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Gaashandhiga oo uu Golaha u soo jeediyey Wasiirka Gaashandhiga iyo Difaaca Qaranka JSL.
  3. War bixin ku saabsan Xeerarka ka gudbay Xukuumadii hore iyo Mushaariic-da sharci ee horyaala Golaha Wakiillada waxa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka.
  4. Warbixinta Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo uu soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu taas oo ku saabsan kormeerka Warshadaha dalka.
  5. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safarro shaqo oo uu Wasiirku ugu baxay Gobalada dalka si uu ugu kuur galo baahiyaha adeega caafimaadka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin cisbitaalada dalka.
  6. Warbixinta ku saabsan Xaaladaha Waxbarasho ee dalka, baahiyaha aas aasiga ah ee jira, Siyaasadda Waxbarashada JSL iyo safaro uu ku tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska gobalada Saaxil iyo Togdheer.