Hargeysa (Dawan)- Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa munaasibad abaalmarin ah u sameeyey cashuur-bixiyeyaashii ugu wanaagsanaa sannadkii dhamaaday ee 2024.
Munaasibad si weyn loo soo agaasimay kana soo qeybgaleen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, hay’adaha ay wadashaqeynta leeyahiin, ganacsatada, cashuur-bixiyeyaasha iyo marti-sharaf lagu casuumay ayaa lagu abaalmariyey cashuur-bixiyeyaashii ugu wanaagsanaa.
Munaaisbada oo ay masuuliyiin kala duwani hadalo ka jeediyeen ayaa dhamaantood waxa ay tilmaameen qiimaha bixinta cashuurta iyo cashuur-bixiyayaashu u leeyihiin koboca dhaqaale ee dalka, iyo sida loogu baahan yahay in dhinacyada ay khuseysaa ay wadajir uga hawlgalaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Md. Maxamed Xasan Saleebaan, oo hadal ka jeediyeymadashaas, ayaa u mahad celiyey cashuur-bixiyeyaasha, waxaanu yidhi,
“Guud ahaan cashuur-bixiyaasha Dalka waan u wada mahadnaqayaa oo dhamaan wey mudanyihiin, balse xubnaha aynu caawa halkan u fadhinaa waa kuwii ku soo baxay liiska cashuur-bixiyaha wanaagsan ee kal-hore (2024).”
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md. Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi, ayaa qiray in cashuur-bixiyeyaashu kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha Qaranimadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan idinku bogaadinayaa oo aanu idiinka mahadnaqaynaa sida aad tusaalaha ugu tihiin Cashuur-bixiyayaasha kale ee Somaliland, waana tallaabo muujinaysa kaalinta mihiimka ah ee aad Qarankiina ugu jirtaan”.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md.Cabdilaahi Xasan Aadan, oo hadal ka jeediyey munaasibada ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu si weyn u qiimayso cashuur-bixiyeyaasha, lana shaqeyn doonto dhammaan cashuur-bixiyayaasha reer Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md.Cabdilaahi Xasan Aadan oo arrimahaasi ka hadlayayna, waxa uu yidhi, “Cashuuraha-barrigu waa meesha ugu mudan ee aanu isha ku hayno, Wasaarad ahaan iyo Xukuumad ahaan ba, waana meelaha yoolka noo ah Insha Allaah inaanu horumarka badan ka samayno”
Dhamaadkii munaasibadda abaalmarinta ayaa shahaado sharafyo la gudoonsiiyey cashuur-bixiyeyaashii ugu wanaagsanaa sannadkii dhamaaday ee 2024-kii.