Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa Masjika Cali Mataan ee Caasimada Hargaysa ku qabatay Nadwo Cilmiyeed ballaadhan oo ku saabsan khatarta noocyada Maandooriyaha, iyada oo wasaaraddu dhawaan Bilawday olole wacyigelin ah oo ku saabsan khatarta noocyada Maandooriyaha oo mudo saddex todobaad ah soconaya.
Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Cabdilaahi Daahir Jaamac (Baashe) oo munaasabadda ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga warramay saamaynta maandooriyuhu ku leeyahay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada sidoo kale wasiirka ayaa u duceeyay dhalinyarada Somaliland, isaga oo ILLAAHAY uga baryay inuu ka soo hadeeyo kuwa ku dhacay dhibaatooyinka ay sababaan maandooriyuhu.
Dhinaca kale wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay barnaamij ka leedahay la dagaalanka Maandooriyaha iyo ka wacyigalinta dhalinyarada ee dhibaatada uu leeyahay, ka wasaaradda ahaana ay ka shaqaynayaan waxaanu yidhi
“Xukuumadda cusubi barnaamij bay ka leedahay arrinta Maandooriyaha, sidaasi daraadeed maadaama aan anigu wasiirkii Diinta iyo Awqaafta ahay shaqadaydu waa in aan dadka wacyigaliyo oo wax u sheego, oo Culimada iyo dadka waxqabadka u saaxiibka ah aanu iska kaashano ayaa noo qorshe ah.”
Dhinaca kale waxa iyaguna Nadwadaas kalmedo kala duwan ka jeediyey Culimo iyo Dhakhaatiir kale kuwaasi oo sharaxay muhiimadda ay leedahay ka hortagga mukhaadaraadka, iyagoo ku baaqay in bulshadu isku kaashato wacyigelinta iyo ilaalinta dhalinyarada.
Nadwo cilmiyeedka lagu qabtay Masjidka Cali Mataan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ay ugu jirto horumarinta akhlaaqda bulshada iyo badbaadinta dhalinyarada.