Bisad diyaarad lagu Ilaaway

0
38

Bisad ayaa 24-saac gudahood saddex duullimaad gashay iyada oo isaga dabqaaday dalalka New Zealand iyo Australia kadib markii lagu illoobay diyaarad. Bisadan oo lagu magacaabo Mittens, oo siddeed jir ah oo ka timi Maine Coon, ayaa loo ballansanaa inay ka safarto Christchurch iyada oo ku sii jeeda Melbourne – laakiin qafiskeeda ayaa lagu daray xamuulka diyaaradda Air New Zealand.

Mulkiilaha Mittens, Margo Neas oo saddex saacadood ku sugaysay madaarka Melbourne, ayaa shaqaaluhu u sheegeen in diyaaradi ay kula noqotay New Zealand iyada iyo qafiskeeda.

Intii lagu guda jiray duulimaadkaas kuleylka ayaa la shiday si bisadu ay ugu raaxaysato, ayay tidhi Ms Neas. Bisada oo miisaankiisu hoos u dhacay, laakiin aan waxyeello kale soo gaadhin – ayaa mar kale loo duuliyay Melbourne si ay ula midoobo mulkiilaheeda.

Iyada oo la hadlaysay NBC Arbacadii, Ms Neas ayaa sheegtay in iyada iyo wiilkeeda ay cadhoodeen dhibaatada ay geysteen shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Melbourne.

Ms Neas ayaa sheegtay in loo sheegay in duuliyaha mar hore lagu wargaliyay inuu shido Miishiinka kuleyliyaha meesha ay ku jirto halkaasoo heerkulku uu hoos ugu dhici karo 7C.

Diyaaradda Air New Zealand ayaa wali eegaysa sida Mittens loo illoobay, laakiin wararku waxa ay sheegayaan in gaadhi curyaan ah oo la saaray laga yaabo in uu qariyay aragtida qofka shandadaha qaada ee qafiskeeda.

Shirkadda ayaa raaligelin ka bixisay dhibaatadii ka dhalatay waxayna ballan qaaday inay dib u bixin doonto dhammaan kharashaadka safarka.

Shirkaddu kama aqbalayso dadweynaha si toos ah uga ballansan duulimaadyada caalamiga ah, sidaa darteed rakaabku waa in ay ballansadaan shirkadaha xawayaanka la ansixiyay.

Ms Neas ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay ugu dambeyntii dib ula midoobo Mittens.