Golaha Degaanka ee Degmada Gabiley oo La-shiray Wakiillo ka socday hay’adda Save the Children

0
32

Gabiley (Dawan) Duqa Degmada Gabiley ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka, Mudane Axmed Ciisood Axmed, ayaa shalay kulan muhiim ah la qaatay wakiillo ka socday hay’adda Save the Children, kaas oo ka qabsoomay xafiiska maayerka.

Kulankan waxa ku wehelinayay Maayerka xildhibaanada golaha degaanka ee degmada Gabiley, mudaneyaashan ayaa kala ahaa Mudane Cabdiraxmaan Nuur Abokor, Mudane Mursal Maxamed Jaamac, Mudane Maxamed Dayib, Mudane Caydaruus Muxumed, iyo Xoghayaha fulinta Dawladda hoose Gabiley, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhaxeysa hay’adda Save the Children iyo Dawladda Hoose ee Gabiley, iyadoo xoogga la saaray sidii loo hormarin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada iyo sidii loogu adeeggi lahaa dadka danyarta ee degmada.

Mudane Axmed Ciisood Axmed, Duqa Gabiley, ayaa uga mahadceliyay hay’adda Save the Children taageerada ay siiyaan bulshada, isaga oo ballanqaaday in maamulka cusub ee degmada Gabiley uu si wadajir ah uga shaqeyn doono horumarinta bulshada, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, iyo daryeelka carruurta.

Gaba-gabadii Kulankan ayaa ku soo gabagaboobay isfaham iyo guul, iyadoo labada dhinac ay isla afgarteen in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta Gabiley.