Guddoomiyaha Marood-jeex oo ka Hadlay Adkeynta Nabad-gelyada iyo Horumarinta Gobolka

0
43

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Mudane Axmed Maxamed Aadan Cadaad, ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay guddoomiyeyaasha degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi-jeex iyo isu’duwayaasha laamaha dowladda ee gobolka Maroodi-jeex, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen arrimo khuseeya amniga, arrimaha bulshada, kala danbeynta nidaamka dowladdeed .

Geesta kale waxa uu intaas ku daray inay guddoomiyeyaasha gobolka iyo isu’duwayaasha ay kawada shaqayn doonaan adkeynta nabadgelyada iyo horumarinteeda.

Sidoo kale waxa uu faray isu’duwayaasha kala duwan ee gobolka Maroodi-jeex in masuul kasta keeno waajibaadkiisa shaqo ee uu Qaranka masuulka uga yahay.

Kulankan waxa guddoomiyaha ku wehelinayay guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi-jeex iyo xoghayaha gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Mudane Axmed Maxamed Aadan Cadaad, ayaa warbaahinta la wadaagey mudadii shirku socday nuxurka qodobadii lagu gorfeeyay.

1 Xoojinta nabadgelyada gobolka Maroodi-jeex, 2 Arrimaha bulshada, xoojinta, horumarinta arrimaha bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, degaanka, biyaha, beeraha, xannaanada xoolaha iyo wixii la hal-maala, 3 Ukuurgalida iyo ka war haynta mashaariicda horumarineed eek a socda gobolka, 4 In guddoomiyeyaasha iyo isu’duwayaashuba ay keeneen qorshahooda 100-ka cisho ee u horeeya ee ka socda gobolka, 5 In Kaalmaha shidaalka laga sameeyo meelo ku haboon, isla markaana lagu sameeyo kormeer iyo daba-gal joogta ah, lana waafajiyo wareegtooyinka u yaala, 6 Xoojinta nidaamka dowladnimo gobolka, degmooyinka iyo isu’duwayaasha, 7 Xoojinta wada-shaqaynta hay’addaha gobolka ka hawlgala, 8 Xoojinta maamul daadejinta mashaariicda horumarineed ee gobolka, 9 Hubinta badeecadaha dalka dibeddiisa laga keeno iyo kuwa dalka gudihiisaba, 10 Isu’duwayaashu inay keenan waajibaadkooda shaqo ee ay Qaranka masuulka uga yihiin, 11 Horumarinta xirfadaha dhallinyarada, 12 Kor-uqaadista xoojinta dhallinyarada, 13 Ilaalinta kala dabeynta hanaanka dowliga iyo jaran-jarooyinkiisa.