Abu Dhabi (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ku guda jira booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogo dalka isu taga Imaaraadka Carabta ayaa kulan ballaadhan la qaatay madaxda sare ee Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi.
Qoraal kooban oo uu soo saaray La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Dibadda Maxamed Xaaji kana mid ah weftiga Madaxweynaha oo ay soo xigatay Wakaallada Wararka Solna , wuxuu ku sheegay in madaxweynuhu ku nuux-nuuxsaday xidhiidhka sii kordhaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee horumarinta dhaqaalaha, Waxaa kale oo Madaxweynuhu caddeeyay in Somaliland ay karti u leedahay ka qayb qaadashada horumarinta dhaqaale ee gobolka.
Madaxda Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi ayaa dhankooda iftiimiyay sida ay u danaynayaan ka qayb qaadashada horumarka iyo xasilloonida Somaliland, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray furitaanka waddooyin cusub oo iskaashi dhaqaale iyo hindiseyaal horumarineed oo waara.
La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Dibadda Maxamed Xaaji waxaa kale oo uu xusay in kulankan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro la qaatay madaxda Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi uu calaamad u yahay isbeddel weyn oo kor u qaadaya xidhiidhka labada dal.
Warku wuxuu intaas ku daray in Shirkan taariikhiga ahi uu tilmaamayo aragti midaysan oo ku wajahan maalgashiga mustaqbalka fog iyo kala-duwanaanshaha dhaqaalaha, sidaa awgeed socdaalka Madaxweynuhu wuxuu furayaa dariiqa wax lagaga bedelayo mashaariicda la doonayo in lagu horumariyo kobaca dhaqaalaha Somaliland.