Todoba Qodob oo hor-tebin u leh Iskaashiga Somalliland iyo Imaaraadka…

0
61

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Mohamed Abdilahi Cirro ee Imaaraadka Carabta,  ayaa waxa uu soo jiitay indhaha bulshada, gaar ahaan dadka muxalalliya diblomaasiyada, Amniga iyo dhaqaalaha.

 

Weftiga madaxweynaha oo maalintii saddexaad galay shalay, ayaa waxa tooshka si weyn ugu haya indhaha daneeyayaasha, waxaana si weyn loogu dheg-taagayaa dhawaaqa u horeeya ee ka soo baxa, maadaama aan qalabka warbaahintu wax war ah ka soo tebin tan iyo markii ay dalka ka ambobaxeen.

 

Inkasta oo ay maalmihii  u dambeeyey dadku siyaabo kala duwan uga hadlayeen hawlgalka aamusan ee uu weftiga madaxweynuhu ka wado Imaaraadka, nuxurka doodda ka dhex guuxaysa bulshaduna ay ku arroorsan tahay jecaylka loo qabo in war lagu diirsadaa ka yimaado socdaalka madaxweynaha,  haddana waxa jira fikrado talooyin maan-gal iyo micno weyn leh oo lagu faaqidayo safarkaasi ahmiyadda uu u leeyahay Dalka.

 

Aqoonyahan Cali Shaami  oo kamida dadka ka faallooday amuuraha safarka Madaxweyne Cirro, ayaa maqaal lagu baahiyey warbaahinta mareegaha bulshada, waxa uu si qoto dheer ugu sharaxay qodobo hortebin u leh Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasoo uu isagu u arko qaar muhiim ah, kuna taxaluqsan fikir-faalleed shakhsi ah.

Falanqeeyaha ayaa qormadiisa ku bilaabay sidan:

 

“ Maxay yihiin Fursadaha Horumarineed ee Somaliland Ka faaiidi karto xidhiidh iskaashi dhinacyo badan taabanaya oo ay la yeelato dalka Imaraadka ?”

 

Safarka Madaxweyne Cabdiraxmaan Mohamed Abdilahi Ciro ee Imaaraadka Carabta waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada.

 

sidoo kale waxa uu inaga caawinkaraa helida citiraafka, xidhiidhka caalimiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Imaaraadka oo ah dal leh saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo weyn ayaa noqon kara saaxiib muhiim ah oo ka caawiya Somaliland inay horumar ka samayso dhinacyo badan oo istiraatiiji ah.

 

Taas Somaliland ka dhigi kartaa dal awood leh oo kaalin muhiim ah ka qaata Geeska Afrika iyo Badda Cas. Safarkan wuxuu noqon karaa bar bilow cusub oo horseeda iskaashi midho-dhal.

 

Wax aynu wax kooban Ka odhayanaa wax ay

Somaliland ka faa’iidi karto xidhiidh iskaashi oo ay la yeelato Imaaraadka Carabta.

 

  1. Xoojinta Amniga Badda Cas

 

Badda Cas oo ah marin biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah waxay Somaliland siinaysaa fursado istiraatiiji ah oo lagu xoojiyo amniga iyo dhaqaalaha gobolka:

 

✅Sugidda ammaanka marin-biyoodka Badda Cas :

Somaliland iyo Imaaraadka ayaa iskaashi ku sameyn kara ilaalinta Badda Cas, gaar ahaan la dagaallanka budhcad-badeedda iyo kooxaha kale ee halista ku ganacsiga caalamiga ah ee mara marin biyoodka bada cas.

 

✅ Iskaashiga dhinaca kalluumeysiga:

Imaaraadka ayaa ka qayb qaadan kara horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka badda si loo abuuro fursado shaqo iyo horumar dhaqaale.

 

✅ Dhismaha saldhigyo istiraatiiji ah:

Imaaraadka ayaa maalgelin ku samayn kara dhismaha saldhigyo muhiim ah oo loogu talagalay ilaalinta iyo sugidda amniga badda cas.

 

  1. Tayaynta iyo Qalabeynta Ciidamada Somaliland

 

Imaaraadka Carabta wuxuu door muhiim ah ka qaadan karaa horumarinta iyo qalabeynta ciidamada Somaliland si ay ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah ee amniga:

 

✅ Tababar ciidan caalami ah:

Ciidamada Somaliland, gaar ahaan kuwa badda iyo kuwa xuduudaha, ayaa heli kara tababar casri ah oo ay bixiyaan Imaaraadka, si ay ugu diyaargaroobaan halista gudaha iyo tan gobolka.

 

✅ Qalabeyn ciidan casri ah:

Imaaraadku wuxuu Somaliland ku taageeri karaa qalab casri ah oo ciidamada ka caawinaya ilaalinta xuduudaha, sugidda amniga gudaha, iyo hawlgallada badda.

 

✅ Iskaashiga hawlgallada gobolka:

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Imaaraadka ayaa iskaashi ka samayn kara la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo budhcad-badeedda ee ka hawlgala gobolka Geeska Afrika.

 

  1. NB. Tayaynta iyo Qalabeynta Ciidanka Sirdoonka Somaliland

 

Wax aan qodobkan garaaka ugu xushay waa mid muhiimadiisa leh oo ay tahay in gaar lo dul istaago.

Si looga hortago halista argagixisada ee ka jirta Geeska Afrika, ciidamada sirdoonka Somaliland waa in la xoojiyo loona qalabeeyo tiknoolojiyad casri ah oo awood u leh ka hortagga khataraha amniga. Imaaraadka ayaa noqon kara saaxiib muhiim ah oo ka taageera Somaliland dhinacyadan:

 

✅ Tababar dhinaca sirdoonka:

Imaaraadka oo leh khibrad sare oo dhinaca sirdoonka ah ayaa Somaliland ka caawin kara tababaridda saraakiisha sirdoonka si ay u ogaadaan loogana hortago qorsheyaasha argagixisada ee ka dhanka ah gobolka.

 

✅ Qalabeyn tiknoolojiyad casri ah:

Somaliland ayaa heli karta tiknoolojiyad casri ah oo sirdoon ah, sida qalabka la socda dhaqdhaqaaqyada khatarta ah, raadinta xogta muhiimka ah, iyo dabagalka kooxaha argagixisada.

 

✅ Xog-wadaagga sirdoon gobolka iyo caalamka:

Imaaraadka ayaa Somaliland ka caawin kara in ay hesho habab xog-wadaag caalami ah oo lagu xoojiyo iskaashiga la dagaallanka argagixisada.

 

✅ Ka hortagga argagixisada:

Tayaynta ciidanka sirdoonka waxay Somaliland awood u siinaysaa in ay si firfircoon uga hortagto khataraha argagixisada ee sida AlShabaab iyo kooxaha kale ee gobolka ka hawlgala.

 

  1. Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Ganacsiga

 

Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka wuxuu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo kaabeyaasha ganacsiga:

 

✅ Balaadhinta dekedda Berbera:

Imaaraadka oo horey u maalgashaday dekedda Berbera ayaa sii xoojin kara horumarinta dekedda si ay u noqoto xarun ganacsi oo muhiim ah oo isku xidha Bariga Dhexe iyo Afrika.

 

✅ Maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha:

Imaaraadka ayaa maalgelin ku samayn kara dhismaha waddooyin casri ah, jidad tareen, dakado cusub iyo xarumo ganacsi oo isku xidha Somaliland iyo dalalka kale ee gobolka.

 

✅ Kobcinta dhoofinta xoolaha:

Somaliland oo ah dal hodan ku ah xoolaha nool waxay ka faa’iidaysan karaa suuqyada weyn ee khaliijka guud ahaa gaar ahaan Imaaraadka Carabta.

 

  1. Kor u Qaadista Diblomaasiyadda iyo Aqoonsiga Somaliland

 

Imaaraadka oo leh saameyn siyaasadeed oo weyn ayaa gacan ka geysan kara sidii Somaliland u heli lahayd taageero siyaasadeed iyo mid caalami ah:

 

✅ Taageerada aqoonsiga caalamiga ah:

Imaaraadka ayaa Somaliland ka caawin kara sidii ay u heli lahayd taageero ka timaadda waddamada Carabta iyo kuwa caalamka oo aqoonsada qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

 

✅ Xoojinta xidhiidhka caalamiga ah:

Imaaraadka ayaa noqon kara albaab Somaliland ka gasho xidhiidh rasmi ah oo ay la yeelato waddamada caalamka iyo hay’adaha waaweyn ee caalamiga ah ee deeqa bixiya.

 

  1. Horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka

 

Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka wax uu  wax ka tari karaa horumarinta adeegyada bulshada:

 

✅ Deeqo waxbarasho:

Imaaraadka ayaa dhalinyarada Somaliland u furi kara fursado iyo deeqo waxbarasho oo heer sare ah, si ay ugu bartaan xirfado casri ah oo waxtar u leh dalka iyo dadkaba

 

✅ Dhismaha xarumaha caafimaadka:

Imaaraadka ayaa ka qayb qaadan kara dhismaha iyo qalabeynta cisbitaallo casri ah oo lagu bixiyo adeegyo caafimaad oo tayo sare leh.

 

✅ Tababar xirfadeed:

Somaliland iyo Imaaraadka ayaa iskaashi ka sameyn kara tababaridda xirfadlayaasha dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo teknoolojiyadda.

 

  1. Dhismaha iyo Casriyeynta Garoomo diyaaradeed oo casri ah

 

Somaliland waxay baahi weyn u qabtaa horumarinta garoomada diyaaradaha, iyadoo ay muhiim tahay inay noqoto isgoysyada ugu muhiimsan ee Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka Carabta wuxuu fursado badan u abuuri karaa dhisida iyo horumarinta garoomada diyaaradaha dalka:

 

✅ Horumarinta Kaabeyaasha Garoomada: Imaaraadka wuxuu Somaliland ka caawin karaa dhismaha iyo casriyeynta garoomo diyaaradeed oo casri ah, taas oo kordhin doonta isku socodka dadweynaha iyo ganacsiga.

 

✅ Xoojinta xidhiidhka Ganacsi iyo Dhaqaale: Garoomada casriga ah waxay fududeynayaan dhoofinta iyo soo dejinta, taas oo kor u qaadi doonta xiriirka ganacsi ee Somaliland iyo dalalka Aduunka.

 

✅ Kobcinta iyo kor u qaadista Dalxiiska: Iskaashiga Imaaraadka wuxuu Somaliland ka caawin karaa horumarinta sector-ka dalxiiska iyadoo la wanaajinayo adeegyada iyo in la abuuro fursado shaqo.

 

✅ Amniga iyo Xasiloonida:

Imaaraadka wuxuu Somaliland ka caawin karaa sidii loo hirgelin lahaa nidaamyo amni oo casri ah oo loogu talagalayo garoomada diyaaradaha, si loo hubiyo ammaanka socdaalka.

 

✅ Tababarada iyo Teknoolojiyadda:

Imaaraadka wuxuu Somaliland ka caawin karaa tababaridda shaqaalaha iyo hirgelinta tiknoolojiyadda casriga ah ee maamulka garoomada,

Iskaashigan wuxuu Somaliland ka caawin karaa inay noqoto xarun muhiim ah oo isku xidha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe, taas oo kaalin weyn ka qaadan doonta horumarinta dhaqaalaha Somaliland.