Wasiirka arrimaha dibadda Iran oo booqday Kabul 8 sanno ka dib

0
26

Saraakiisha ugu sareysa Taliban ayaa Axadii la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran si ay uga wadahadlaan xiisadaha ka taagan xuduudka ay wadaagaan, qaabka loola dhaqmayo qaxootiga Afgaanistaan ​​ee Iran iyo xuquuqda biyaha.

Waa booqashadii ugu horreysay oo wasiirka arrimaha dibadda Iran uu ku tago caasimadda Afgaanistaan ​​tan iyo sannadkii 2017-kii.

Wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in Iran ay ka go’an tahay soo celinta ilaa 3.5 milyan oo qaxoonti reer Afgaanistaan ​​ah, isla markaana aaanay wax niyad ah u haynin faragelinta siyaasadda gudaha ee ay deriska yihiin, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray ku xigeenka afhayeenka xukuumadda Afghanistan Hamdullah Fitrat.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in si buuxda loo dhaqan geliyo heshiiskii biyaha wabiga Helmand, kaas oo odorosaya kheyraadka biyaha ee la wadaagayo, ayaa lagu yidhi bayaanka.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Iran Hassan Akund ayaa ka codsaday Iran inay si xushmad leh ula dhaqanto qaxootiga Afgaanistaan, wuxuuna sheegay in aanay macquul ahayn in muddo gaaban gudaheed lagu maareeyo dib u celin ballaadhan. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhacdooyinka ay ka mid yihiin toogashada Afgaanistaan ​​​​ee Iran ay kicisay dareenka shacabka.

Araghchi wuxuu kale oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi, iyo wasiirka gaashaandhigga Mohammad Yaqoob.

Horaantii Axadda, wakaaladda wararka ee Iran ee IRNA ayaa ka soo xigatay Araghchi isaga oo sheegay inuu rajaynayo xidhiidh dhaqaale oo dheeri ah iyo wanaajinta xidhiidhka Afgaanistaan, isaga oo laga soo xigtay inuu jiray “kor u kac iyo hoos u dhac” dhinaca xidhiidhka ah.

Iran si rasmi ah uma aqoonsana xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan, taas oo awoodda la wareegtay 2021 markii ciidamada Maraykanka iyo NATO ay ka baxeen dalkaas ka dib labaatan sano oo dagaal ah.

Laakin Tehran waxa ay sii wadataa xidhiidh siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay la leedahay Kabul waxa ayna u ogolaatay Talibanka in ay maamulaan safaarada Afgaanistaan ​​ku leedahay caasimada Iran.