- Noqo kan bilaaba wanaaga, dadkana u tudha, damiyana cadaawada
- Haka xumaan hadalka xun iyo wixii lagaa sheego adiga waxba kuma yeelayaan, kan yidhi ayuu dhib ku hayaa.
- Iskajir denbiyada iyo macaasida , iyaga ayaa keena Hammiga Iyo Murugada, iyaga ayaana fura albaabada belaayada.
- Dadka U furfur wajigaaga waxaad helaysaa niyadooda, hadalkana u debci si ay kuu jeclaadaan, una naxariiso si ay kuu qadariyaan
- Bixinta Sadaqada ku dadaal haba yaraatee. Sadaqadu waxay bakhtiisaa xumaanta, qalbigana way farxad galisaa, hammigana way kaxaysaa, risiqana way badisaa.
- Albaabada ugu wayn ee nolosha wanaagsan waxa ka mid ah ducada waalidka ee badso samafalkoodana ilaali, si sharka iyo belaayada aad uga nabad gasho.
- Caqabaduhu kuma joojin karaan, Dhibaatada kuma joojin karto, Dad wax kaa sheegay kuma joojin karaan, adiga keligaa ayaa naftaada joojin kara oo ma gudbe ka dhigi kara.
Dad qaarkii waxay isku dayaan in ay muujiyaan wixi kaa khaldan, sababtoo ah ma xamili karaan wanaaga iyo waxa saxda ah ee aad samayso