Qore: Khadar M.Xaashi
Hargeysa(Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa bulshada u caddaysay in aanay si gaar ah uga faa’iidasan doonin awoodda ciidanka booliska isla markaana uu boolisku si dhex ah qaranka ugu shaqayn doono.
Wasiirka wasaaradda aminiga gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdalle Maxamed Carab ayaa shacabka Somaliland u ballan-qaaday in aanay ka xukuumad ahaan aanay awooda ciidanka Booliska u isticmaali doonin si sharciga baal marsan balse ay go’aan kasta sharciga u eegi doonaa waxaanu yidhi
“Xukuumadda uu Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro hogaaminayo aniguna aan wasiirka arrimaha gudaha ka ahay, waxa aanu idiin ballan-qaadaynaa shacbiyow in aanaan ku takrifalin awooda Booliska oo aanu sharciga u raacno, taasi ayaanu idiin ballan-qaadaynaa, taasi waxay qiimo u samaysaa in shacabka oo ay ilaaliyaan Boolisku oo ay habeen iyo maalin u soo jeedaan ay wada shaqayn sameeyaan, laakiin haddii lagu takrifalo awooda xukuumadda way kharibtaa, taasi waanu ballan-qaadaynaa”.
Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa qiray in ciidanka Booliska dalku ay yihiin kuwo aqoon ahaan dhisan isla markaasina ay aragtidoodu sarayso, dalkana ugu jira kaalin muhiim ah, sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in taliyihii hore ee ciidanka Boolisku uu ahaa hogaamiye wanaagsan waxaanu yidhi
“Waxaan qirayaa mudadii gaabnayd ee aanu halkan joognay xukuumadayada cusub ee aan wasiirka arrimaha gudaha ahaa, ciidamada Booliska ee aanu la kulanay ee uu hogaaminayay Maxamed Aadan Saqadhi in ay ahaayeen ciidamo ay aqoontoodu sarayso oo tayo leh, aragti leh, yididiilo badan oo uu Qarankani isku haleeyo leh.
Waxaan leenahay ciidamada Boolisku waa kuwa suurta galinaaya, fadhiga aynu halkan fadhino, intii yaray dee aanu joognay taliyaha shaqo fiican baanu wada qabanay.
Gebo’gabadii wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdalla Maxamed Carab ayaa in ka xukuumad ahaan inay ilaalinayaan oo aanay ku kici doonin wax sharci jabin ah waxaanu yidhi
“Had iyo jeer marka sharci la fulinayo shacabku way ka cawdaan, Booliska iyo shacabka waxa kala dila haddii ay xukuumaduhu kali talis noqdaan oo aniga oo wasiirka arrimaha gudaha an inta aan sharciga dhaafo oo aan Booliska ku amro wax sharci jabin ah shacbiga way iska hor yimaadaan”.