Diblamaasiyaddu waa aalad lagama-maarmaan u ah xidhiidhka caalamiga ah, waxaana loo qaybiyaa laba nooc oo waaweyn: Diblamaasiyadda Furani (open diplomacy) iyo Diblamaasiyadda Qarsoodiga ah (secret diplomacy).
Diblamaasiyadda Furani waa mid si cad loo og yahay ama loo faafiyo dhacdooyinka, wada hadallada iyo kulamada laba dawladood, laba dhinac ama ka badani wada yeeshaan. Halka Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi (Secret Diplomacy) ay tahay hab diblamaasiyaddeed ay dawladaha ama dhinacyadu si hoose, qarsoodi ah, oo aan la shaacin uga wada hadlaan arrimaha siyaasadda, nabadda, dagaalka, ama danaha istiraatiijiga ah.
Somaliland oo ah dal aan weli ictiraaf caalami ah helin, una baahan taageero siyaasaddeed iyo mid dhaqaalle, waxaa waajib ku ah hadba inta talada gacanta ku haysa in ay isticmaalaan xeelado diblamaasiyaddeed oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid tahay diblamaasiyadda qarsoodiga ah (secret diplomacy).
Maqaalkani waxa uu iftiiminayaa muhiimadda Diblamaasiyadda Qarsoodiga ah ee Somaliland iyo sida ay u xoojin karto danaha qaranka.
𝐅𝐚𝐡𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥a𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡:
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ah waa hab-diblamaasiyaddeed ay dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ahi u adeegsadaan wadaxaajoodyada aan loo baahnayn in si furan loo shaaciyo. Waxay ku salaysan tahay laba tiir oo muhiim ah:
𝟏. 𝐐𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐝𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐨𝐠-𝐪𝐚𝐫𝐢𝐧: Wadahadalladu waxay ka dhacaan meel aan bulshadu ogayn, loogamana hadlo si furan (public).
𝟐. 𝐗𝐮𝐥𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐝 𝐘𝐚𝐫: Keliya dad kooban oo la isku hallayn karo ayaa ka qaybqaata, si loo ilaaliyo sirta iyo guusha wadaxaajoodyada.
Habkan waxa si gaar ah loo isticmaalaa marka laga hadlayo arrimo xasaasi ah sida heshiisyo ciidan, dhaqaalle, ama muranno xuduuddeed. Ujeeddadu waa in laga hor tago cadaaddis dibaddeed ama mid gudeed inta wadaxaajoodyadu socdaan.
𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝:
Somaliland, oo ah dal aan weli helin aqoonsi caalami ah, waxay la kulmaysaa caqabado siyaasaddeed iyo kuwo diblamaasiyaddeed oo xaddidaya doorkeeda caalamiga ah. Soomaaliya oo weli ku doodaysa in Somaliland ka mid tahay ayaa ah caqabad ka mid ah, taas oo dadaal dheer ugu jirta hor istaagga dhaqdhaqaaqyada siyaasaddeed iyo diblamaasiyaddeed ee Somaliland. Sidaa darteed, adeegsiga Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waxay u noqon kartaa Somaliland xeelad muhiim ah oo ay kula macaamili karto dalal iyo ururro aan si furan u taageeri karin, balse danaynaya iskaashi ay la yeeshaan Somaliland.
𝟏. 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚𝐚𝐣𝐨𝐨𝐝𝐲𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐝𝐢𝐬 𝐋𝐚𝐡𝐚𝐲𝐧
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waxay Somaliland u fududayn kartaa in ay wadahadallo la yeelato dalal iyo ururo caalami ah oo sababo siyaasaddeed dartood aan si furan u muujin karin taageeradooda. Wadahadallada noocan ahi waxay waxay u oggolaa karaan dalal badan inay si hoose ula shaqeeyaan Somaliland iyaga oo aan xumeyn xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka kale ee gobolka.
𝟐. 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢:
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waxay u sahli kartaa Somaliland in ay si qarsoodi ah ugala xaajoon karto dalal iyo shirkado waaweyn sidii ay uga heli lahayd maalgashi iyo iskaashi dhaqaalle. Mar haddii ay jirto cabsi laga qabo in heshiisyo furan ay keeni karaan cadaadis ka yimaadda Soomaaliya ama ururrada caalamiga ah, habkan qarsoodiga ahi wuxuu u oggolaan karaa Somaliland in ay hesho maalgelin iyo iskaashi dhaqaale iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin.
𝟑. 𝐓𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐨 𝐀𝐦𝐧𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐢𝐥𝐚𝐭𝐞𝐫𝐢:
Somaliland waxay wadahadallo qarsoodi ah la yeelan kartaa dalal iyo hay’ado caalami ah si ay u hesho taageero dhinaca amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha awooddeeda difaaca ah. Dalal badan oo xiisaynaya iskaashi amni oo lala yeesho Somaliland balse aan rabin in ay si furan u muujiyaan taageeradoodu waxay adeegsan karaan hab-diblamaasiyaddeedka qarsoodi ah.
𝟒. 𝐊𝐨𝐛𝐜𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐥𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐊𝐡𝐚𝐥𝐢𝐢𝐣𝐤𝐚:
Somaliland waxay si qarsoodi ah ula shaqeyn kartaa dalalka Geeska Afrika iyo Khaliijka si ay uga hesho fursado siyaasaddeed iyo dhaqaale. Xidhiidh qarsoodi ah oo lala yeesho dalalka awoodda badan ee gobolka (sida UAE, Itoobiya, iyo Sacuudiga) wuxuu Somaliland u sahli karaa in ay yeelato saaxiibbo istiraatiiji ah, kuwaas oo gacan ka geysan kara dadaalka ay ugu jirto aqoonsiga caalamiga ah.
𝐆𝐚𝐛𝐚𝐠𝐚𝐛𝐨:
Diblamaasiyadda Qarsoodiga ahi waa xeelad istiraatiiji ah oo Somaliland u adeegsan karto kor u qaadista danaha qaranka iyada oo aan la kulmin cadaadis dibadeed. Haddii si xeeladaysan loo adeegsado, waxay Somaliland u sahli kartaa in ay hesho aqoonsi, iskaashi dhaqaale, iyo amni iyada oo aan halis gelin sumcadeeda ama dadaalkeeda diblamaasiyaddeed. Sidaa darteed, habkan ayaa noqon kara mid muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland, gaar ahaan xilligan ay raadinayso in ay hesho aqoonsi caalami ah.
W/Q: Qoraa, Cabdiqani Cabdilaahi Aadan