Xukuumadda oo Maalaayiin Dollar ku Maalgelinaysa Laydhka Berbera

0
23

Qore Khadar  M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay markii ugu horraysay in lacag malaayiin  dollara ay ku maalgelineyso adeeg-bixinta laydhka Berbera.

Wasiirka Wasaaradda macdanta iyo  Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Jaamac Barre, oo ka hadlay xaalada laydhka magaalo xeebeedka Berbera ayaa caddeeyay in ka xukuumad ahaan ay wax weyn ka qabanayaan sidii bulshada degmada Berbera u heli lahaayeen adeeg bixin koronto oo bulshada xeebta ku sii haynkara.

Waxaanu intaa ku daray in qorshahaha xukuumadda adeegbixinta laydhka Berbera uu ka mid yahay balanqaadyadii madaxweynaha JSL, bulshadu ku dooratay, isla markaana ka wasaarad ahaan ay fulinayaan balanqaadkaas madaxweynaha.

Wasiirku waxa uu sheegay in lacagta Mashruucani lagu fulinayo uu baanka adduunku ka taageerayo Somaliland, waxaanu xusay in ka xukuumad ahaan ay masuul uga yihiin wixii horumarina bulshada.

Wasiirku waxa uu tilmaamay iyada oo fulinayo balanqaadii madaxweynaha ee xilligi ololaha in xukuumaddu ay qaadayso tallaabo bilow fiican u ah sidii bulshada magaalada Berbera u helilahaayeen adeeg-bixin laydh oo jaban.

Geesta kale waxa uu sheegay in mashruucan baanka adduunku Somaliland ka taageerayo sidoo kale magaalada Borama laga fulin doono.

Waxaanu yidhi.“Magaalada Berbera waxay ahayd meelaha aadka laydhkooda looga cabanayay  mudooyinkii u danbeeyay, madaxweynuhuna xilligii uu ololaha ku jiray balanqaad halkaasi ka sameeyay, isaga oo sheegay in bulshada reer Berbera heli doonaan laydh jaban.

Mashruucani waxa uu Berbera ugu deeqaya 20 Milyen ujeedaduna waxa ay tahay in adeeg-bixinta laydhka degmada Berbera hoos loo dhigo, baanka adduunku lacagta waxa uu siiyay dowladda, dowladda ayaana uga masuula, dowladduna shacabka ayay masuul uga tahay in mashruucaasi gaadho gacantooda, shirkadaheena Laydhkuna waxa ay gacanta ku hayaan, laydhkii magaalooyinkeena waa weyn, iyaga waxa loogu taageerayaana waxa ay tahay in bulshada laydh jaban ay helaan, qorshahayaguna waxa uu yahay in mashruucaasi laba toddobaad gudaheed uu hawada innaga galo, lana xayeysiiyo.

Qiimeyn ayaanu ku sameynay adeeg-bixinta laydhka ee degmada Berbera iyo baahiyaha ka jira haddii ILLAAHEY yidhaahdo mashruucaasina waxa uu ka jawaabi doona baahida magaalada Berbera”

“Magaalada Borama ayaanu ku xigsiin doona oo iyadana uu mashruucani baahideeda ka jawaabi doono, dowladdana uga masuula shacabka, waxaaney mari doonta shirkadaheena gacanta