Wasiirka Caafimaadka oo Kormeeray Cisbitaalada iyo Xarumaha Caafimaad ee Gobolka Sanaag

0
23

 

Qore C/Wahaab Daahir Xasan

Sanaag (Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Axmed Maxamuud Jaamac iyo wefti ballaadhan oo maalmihii u dambeeyey kormeer ay ugu kuurgalayaan xaaladda dhabta ah ee caafimaadka guud ee dalka ku marayay gobolada bariga  Somaliland, ayaa kormeerro kala duwan kusoo maray, Cisbitaalada Ceel-afweyn iyo Gar-addag iyo xarunta Hooyada iyo dhallaanka ee Gawsa wayne.

Kormeerkaas masuuliyiinta ugu sarraysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ku marayeen goobaha caafimaadka gobolka sanaag oo daba socda kormeero hore oo ay masuuliyiintu ku mareen gobolada kala duwan ee dalka, ayaa ujeedadiisu ahayd, sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen heerka uu marayo caafimaadka guud ee gobolka Sanaag, caqabadaha iyo baahiyaha ka jira goobaha caafimaadka si ay ugu saleeyaan qorshaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee ku salaysan sidii loo horumarin lahaa adeegga caafimaadka iyo sidii bulshada Somaliland ay guud ahaanteed u heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh isla markaana la heli karo goor kasta lagana heli karo goob kasta.

Geesta kale intii ay masuuliyiintu mareeyeen goobaha caafimaadka waxay soo kormeereen xarumaha caafimaadka  ee ay mareen, waxaanay mid mid u dul istaageen, dhammaan adeegyadda kala duwan ee ay bixiyaan goobahaasi iyo bukaanadii loogu adeegayay, iyagoo intaa kadibna kulamo kala duwan ay la qaateen maamulka caafimaadka ee heer dagmo, masuuliyiinta goobahii caafimaadka ee ay mareen iyo shaqaalaha ka hawl gala goobahaasi, kana dhagaystay warbixino kala duwan oo ku aadan xaalada guud ee ay ku sugantahay goob kasta oo caafimaad, baahiyaha jira ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto iyo halka uu marayo adeegga caafimaadka ee ay siiyaan bulshada.

Gabagabadii Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa markii ay kulamooda soo dhamaysteen isla markaana heleen xogo dhamaystiran oo ku aadan xaladda dhabta ah ee goobihii ay marayeen, ayaa waxay maamulka iyo shaqaalaha goobihii ay mareen u ballan qaadeen inay si degdeg ah wax uga qaban doonaan isla markaana ka soo jawaabi doonaan baahiyii iyo caqabadihii haystay ee ay masuuliyiintu la wadeen wixii hadda suurto gal ah, inta dhimana ay ka hawl gali doonaan sidii ay usoo dhamaystiri lahayeen una xalin lahaayeen caqabadahaasi, si loo horumariyo adeegga caafimaadka ee guud ahaan Qaranaka  Jamhuuriyadda Somliland.