Kulanka Madaxweynaha iyo Hoggaanka Xisbga kulmiye iyo qodobada la iskula qaatay
Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa ku qaabilay shalay hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE Qasriga Madaxtooyda.
Madaxweynaha Somaliland iyo hoggaanka xisbiga kulmiye ee Mucaaridka ah ayaa ka wada hadlay adkaynta nabadgelyada iyo difaaca qaranka iyo qabyo-tirka hannaanka dimuquraadiyadda Somaliland.
Waxaanay isla qaateen in laga wada shaqeeyo danaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Hadda halkan kaga bogo war-saxaafadeed ka soo baxay qasriga madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay wargeyska Dawan iyo qodobada la isla qaatay.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo ay matalayeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, Mudane Maxamed Kahin Axmed, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Axmed Cabdi Dheere.
Kulanka oo ahaa mid ay soo dalbadeen Hoggaanka Sare ee Kulmiye ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumaddiisu waxa ay ku qaabileen Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye niyad-samaan, laab-furnaaan iyo hannaanka wada-shaqeynta Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadda haatan talada haysa.
Kulanka ayaa waxaa lagaga wada hadlay isla markaana lagu gorfeeyey arrimo door ah oo mudnaan u leh Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ka mid yihiin:
- Ka wada shaqaynta amniga, xasiloonida iyo difaaca Qaranka,
- Adkaynta midnimada iyo wadajirka bulshada Somaliland,
- Qabyo-tirka iyo kobcinta hannaanka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka dalka,
Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay Madaxweynaha la wadaageen talooyin guud oo la xidhiidha xaaladaha haatan taagan ee xagga amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Sida oo kale, Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo weliba tiro-koobka madax taabashada ah ee dhammaan Ciidamada kala duwan ee Qaranka.
Madaxweynaha iyo hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhimadda ay leedahay in laga gudbo khilaafaadka siyaasadeed si loo helo Somaliland u midaysan horumarkeeda meelna uga soo wada jeestada cadawgeeda, isla markaana loo xoojin lahaa hannaanka dimuqraadiyada iyo baahida loo qabo hannaan doorasho oo hufan oo caddaalad ah, iyada oo la xoojinayo sharcinimada hay’adaha dalka ee dimuqraadiga ah.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye mar kale u xaqiijiyey in albaabkiisu uu mar walba u furan yahay iyaga iyo Xisbiyada kale ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”