Mr. Michelle Stephenson oo ah aqoon u leh cilmiga Figiska ayaa sheegay isagoo London jooga in haddii dhulku uu u joojiyo wareegiisa caadiga ah si kediso ah in hawada ku wareegsan oogada dhulka (atmosphere) ay ku sii socon doonto xawaarihii uu ku socday mid la mid ah oo dhan 1670 Km/h iyadoo khali wareegaysa.
Aragtida Michelle ayaa sheegaysa in xawaarahaasi Hawada Atmosphere-ka ee iska khali wareegyaa uu sababi doono in shay kasta oo dhulka guudkiisa joogaa uu luminayo awoodiisa., waxaana uu intasi raaciyay in saacado yar gudahood ay ku dhimanayaan balaayiin noolaha dunida guudkeeda xaadirka ku ah. Waxa kale oo intaasi ku daray in Aadamiga uu isagu sida rasaasta u qarxayo isbedelka dhacay awgeed.
Waxa kale oo uu sheegay in wakhtigaasi ay bilaabmayaan dabaylo duufaano ah oo keenaya qarxayo iyo dab ka holca badaha dhamaantood,
Waxa kale oo intaasi ku daray in maalinta iyo habeenkuba ay ka dheereenaayaan wakhtigoodii hore ee caadiga ah ee ay ka dhalan wareegga dhulka. Dhulkuna waxa uu isu bedeli doonaa goob aan nololi ka suurtgelayn ayuu yidhi Michelle Stephen. (Rt.news).
Waxase ay cadaynaysa sadaashiisu in ay dhici doonto in xataa baduhu ay ololyaan, burburkuna caalamku uu yahay wax dhacaya Saacadda iyo wakhtiga uu Allah (sw) doonno.