Taliban ayaa beenisay sheegashada Trump ee ah maamulka Shiinaha saldhigyo Afgaanistaan ah

0
26

Saraakiisha Taliban ayaa beeniyay hadalkii dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Donald Trump ee ahaa in Shiinuhu uu gacanta ku hayo xarun muhiim ah oo ay hore u lahaan jireen ciidamadii Maraykanka ee Afgaanistaan.

Saldhigga Bagram Air Base oo loo haysto meesha hadalka Turmp u jeedo, oo ku taal meel 44 kiiloomitir waqooyi ka xigta caasimadda qaranka ee Kabul, ayaa ahayd taliska dhexe ee hawl-galkii 20-kii sano ee Maraykanka iyo dalalka reer galbeedku hoggaaminayeen kaas oo markii danbe ay iskaga baxeen bishii Agoosto ee sanadkii 2021 wakhtigaas oo ay Taliban dib ula wareegeen awoodda.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa yidhi “Waa in ay ka fogaadaan hadalada qiirada leh ee ku saleysan xog aan sal iyo raad lahayn,” waxa uu sidaa sheegay mar la weydiiyay jawaabta ku aadan sheegashada Trump ee ah in Shiinuhu uu hadda maamulo saldhiga Bagram.

“Bagram waxa gacanta ku haya Imaarada Islaamiga ah [Taliban], ma aha Shiinaha. Ciidamado Shiinuhu leeyahay halkan ma joogaan, mana jiro wax heshiis noocaas ah oo aan la galnay dal,” Mujaahid ayaa ku yidhi waraysiga la baahiyay habeenkii Sabtidii. “Waxaan codsaneynaa kooxda la taliyayaasha Trump  ay u sharxaan isaga oo ay saxaan xogtiisa ku saabsan Afgaanistaan.”

Trump ayaa kala xaajooday heshiiska ka bixitaanka ciidamada ee fallaagada Taliban bishii Febraayo 2020 intii lagu jiray xilligii hore ee xafiiska, laakiin waxaa lagu fuliyay xukunkii madaxweyne Joe Biden.

Trump waxa uu ku andacoodey intii uu ku guda jiray ololihiisa doorashada in Bagram ay gacanta ku hayaan ciidamada xoreynta Shiinaha, waxaana uu ku celceliyay ka hor kulankiisii ​​ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada Arbacadii la soo dhaafay, isaga oo sheegay in Biden ay aheyd inuu gacanta ku hayo xaruntii hore ee Maraykanka.

Beijing ayaa kordhisay iskaashiga ay la leedahay Talibanka ay maamulaan Afgaanistaan ​​tan iyo markii ay ciidamada Maraykanka ka baxeen, balse waxay si adag u beenisay in wax ciidan ah ay ka joogaan dalkaasi.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhaleeceeyay maamulkii hore wax uu ku tilmaamay in si xun loo maamulay ka bixitaanka ciidamada, isaga oo sheegay in ciidamada baxay ay ka tageen qalab balaayiin dollar ah.

Trump waxa uu sheegay in Taliban ay iibinayso qalabka uu Maraykanku sameeyo, taas oo ka dhigaysa Afgaanistaan ​​mid ka mid ah kuwa ugu weyn ee iibiya qalabka milatariga adduunka.

“Ma rumaysan kartaa? Waxa ay iibinayaan 777,000 oo qori, 70,000 oo kuwa gaashaaman ah… baabuur iyo baabuur — 70,000 … Kani waa 70,000 oo baabuur oo aanu halkaas ku haysannay, waanu u dhaafnay. Waxaan qabaa in aan dib u soo celino,” ayuu yidhi Trump markii uu xukunka qabtay.

Trump ayaa ballan qaaday in uu dib uga soo ceshan doono agabka militariga Mareykanka ee Taliban haddii Washington ay u qoondeyn lahayd ” balaayiin doollar” oo gargaar bini’aadannimo ah Afgaanistaan.