Saraakiisha Turkiga iyo Britain waxay ka wada hadlayaan mustaqbalka Suuriya kulan ka dhacay Ankara Isniintii, ajandayaasha ugu horeeya waa amniga, cunaqabateynta iyo horumarinta dhaqaalaha, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga Axaddii.
Turkiga oo xubin ka ah NATO ayaa taageero weyn u ahaa fallaagada dagaalka kula jirta Bashaar Al-asad muddo sanado ah, waxayna xidhiidh dhow la yeelatay maamulka cusub ee Dimishiq ka dib markii xukunka laga tuuray Asad sanadkii hore. Waxa ay ballan qaaday in ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska dalka Suuriya, waxaana ay bixisay kaalmo lagu tababaro laguna qalabeeyo ciidamadeeda ammaanka.
Britain ayaa bishii hore sheegtay inay cunaqabataynta Suuriya dib u eegi doonto ka dib markii uu dhacay Assad, laakiin waxa sii jiri doontaa xayiraadaha hantida iyo xayiraadaha socdaalka ee lagu soo rogay xubnaha dawladdii hore.
Inkasta oo laga gaabsaday in la shaaciyo xubnaha labada dhinaca ee wada-hadallada laakiin ilo ku dhow ayaa sheegay in ay hogaamin doonaan wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga Nuux Yilmaz iyo wasiirka da’da yar ee Britain Hamish Falconer.
Yilmaz ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in cunaqabateynta saaran Suuriya si shuruud la’aan ah looga qaado, dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha awgeed, ayuu sheegay.
Yilmaz ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay “muhiimada ay leedahay in beesha caalamku ay taageerto tallaabooyinka maamulka Suuriya ee ku wajahan sidii loo gaadhi lahaa dib u heshiisiin qaran oo dhexmarta dowlad dhexe”, wuxuuna ku riixi doonaa “in la joojiyo ficilada Israa’iil ee si cad ugu xad-gudbaya oo khatar ku ah madax-bannaanida Suuriya,” ayaa la sheegay.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Jimcihii sheegtay in Israa’iil ay u ololaynayso Maraykanka in Suuriya ay noqoto mid daciif ah oo aan awood badan lahayn, oo ay ku jirto in Ruushka loo ogolaado in uu saldhigyadiisa milatari ku sii hayo halkaas si uu uga hortago saamaynta sii kordhaysa ee Turkigu ku leeyahay Suuriya, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal u ah dadaalka.
Wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Turkiga Cabdulqaadir Uraloglu ayaa sheegay Axadii in Turkigu uu dhamaystiray wajigii hore ee dayactirka iyo qalabayn oo ay ku jiraan qalab cusub oo lagu rakibay garoonka diyaaradaha ee Dimishiq taas oo qayb ka ah dadaalka Ankara ee dib u dhiska ilaha gaadiidka.