Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Qabatay shirka Kulan-Hawleedka Ansixinta Qorshaha 2025 Ilaa 2030.

0
45

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda Arimaha Gudaha  Somaliland ayaa caasimadda  Hargaysa ku qabatay kulan Hawleedka ansixinta qorshaha Shanta sano  ee Wasaaradda ee Sanada 2025 ilaa 2030ka ee wasaaradda, kaas oo ay ka soo qaybgaleen qaarka mid ah masuuliyiinta wasaraaradda iyo sidoo kale masuuliyiinka sasocotay Ha’adaha kale ee dawlada.

Kulankan ayaa wax aka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Cali Maxamuud, waxanu sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee ay wasaaraddu yeelato qorshe hawleed ay ku hawlgasho taasi oo ay tahay muhiimadu kor u qaadista  awooda fulineed ee wasaaradda, tayeynta shaqada shaqaalaha wasaaadda, kor u qaadista xidhiidhka laamaha amniga, Ha’adaha dawlada iyo sidoo kale bulshada rayidka ah.

Geesta kale waxa isna shirk aka hadlay Taliyaha Ciidanka Dabdamiska iyo Samatabixinta Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Xasan Sawaaxili waxaanu  ka waramay qorshaha dabka iyo nidaamka looga hortagi karo. “Dabdku ka hortag ayuu u baahan yahay ee ka dabatag uma baahna” Sareeye guuto Sawaaxili.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray marhadii wasaaradda arimaha guduhu samaynmayso qorshe in ay ku darto qoshaha ka hortaga dabka kaasi oo sida taliyuhu sheegay haliswayn ku ah Naf iyo Maalba isagoo tusaael u soo qaatay dabkii kala duwanaa eek a kacay somaliland gaar ahaan  Suuqa wajeel, Waaheen Hargaysa, iyo sidoo kale kii dhawaan ka kacay suuqa Idaacada.

 

Gabagabadii waxa Iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid Saraakiisha ciidamada Booliska waxana ay xuseen in aanu qorsha hawleedkani noqon mid marka la diyaariyo kadib aan laga shaqysiin isla markaana aan la dhigin meel, balse laga shaqysiiyo lana hirgaliyo isla markaana lagu sameeyo kor joogtayn.