Wasiirka Caafimaadka oo la kulmay Laba Hay’addood oo Wadashaqayn dhaw la leh Wasaaradda

0
45

Qore:C/Wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa  xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Hay,adda Care International.

Kulankaas ayaa waxaa wasiirka ku wehelinayay, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Axmed Maxamuud Jaamac iyo Agaasimaha waaxda qorshaynta iyo horumarin siyaasadda iyo La-Taliyaha Wasiirka, waftigan ka socday hay,adda Care international, ayaa dhankooda waxaa goobjoog ahaa, masuuliyiinta sarsare ee hay,adda ah.

Laba dhinaca ayaa intii Kulanku  socday waxaa lagaga wada hadlay, mashaariicda caafimaadka ee ay iskaashaadaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Hay’adda Care international, waxa kale oo shirka  lagaga wada hadley baahiyaha iyo qorsheyaasha Wasaaradda iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqeyneed ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hay’adda.

Masuuuliyiinta Wasaaradda ayaa soo dhaweeyey waftiga, iyagoo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee Hay,adda Care International iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

 

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa  xafiiskiisa ku qaabiley madaxa IOM, Mr. Manuel Marques Pereire, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo IOM ka tirsan.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa lagaga wada hadlay, mashaariicda caafimaadka ee ay iskaashaadaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo IOM, iyada oo intii  kulankani socday,  laga wada hadley  sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Wasaaradda iyo hay,adda IOM,

Masuuuliyiinta Wasaaradda ayaa soo dhaweeyey weftiga, iyagoo xusay in ay muhiim tahay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee Hay,adda IOM iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.