Doorashadii Cajiibka Noqotay!

0
15

Bishii September 13, 1938-kii magaca “Boston Curtis” ayaa ku ku guuleystay doorashada guddoomiye-goboleedka degmada ee Milton, Washington ee dalka Maraykanka, kaddib markii cod aqlabiyad ah uu ku soo baxay doorashadii hore ee gobolka.

Boston Curtis muu gelin olole xooggan oo doorashada ah, mana soo bandhigin barnaamijiyo iyo khudbado dadka soo jiita. Si kastaba ha ahaatee, doorashadiisu haddana ma ahayn mid amankaag ku riday bulshada. Laakiin markii dadkii deganaa Milton ay ogaadeen in Boston Curtis uu doorashada Boston ku guulaystay may jeclaysan sababtoo ah Curtis waxa ay ahayd baqal dhego dhaadheer oo midabkeedu ahaa boodhe.

Guushii doorashadii Boston ee Curtis waxaa maaraynayay  duqa magaalada Milton, Mr.Kenneth Simmons. Mayarka ayaa u xereeyay baqasha dhamaan cadaymihii iyo waraaqihii ay doorashada ku gelisay si loogu diiwan geliyo xubnaha tartanka doorashada ka qayb qaadanaya, isla markaana isag ayaa u wada sexeexay wixii looga baahana musharaxa baqasha ah isagoo si niyad ah u qoslayay. Mayorka Mr.Simmons ayaa arinkan u sameeyay laba sababood oo tan hore ahayd inuu yaab ku rido xisbiga Jamhuuriga ah ee la tartamayay. Iyo weliba isaga oo doonayay inuu muujiyo faa’iido la’aanta nidaamka codaynta iyadoo tani caddaynaysa in cod-bixiyeyaashu inta badan aanay garanayn cida ay taageerayaan iyo waxa uu u qabanayo.

Duqa Magaalada Kenneth Simmons, ayaa markii dambe u sheegay saxaafadda inuu u magacaabay baqalka qaab ciyaar ah, oo aanu isagu isagu filayn in la dooran doono Baqasha. Marka aanay dadku muslimiin ahayn ma jiro caqli kala saaraya dadka iyo xayawaanka, waxtarka iyo waxyelada.