Jasiiraddu Santa Cruz del Islote ee dalka Kolombia, waxay ahayd meel lama degin ilaa 1860-meeyadii, wakhtigaasi kalluumaysatadii ka shaqaynaysay agagaarka jasiiradda ay bilaabeen in ay degaan jasiiradda si ay u nastaan oo ay iskaga ilaaliyaan duufaannada ka dhacaya badda.
Waxa aya ahayd Deganayaashii ugu horreeyay waxaana ay soo ururiyeen agabka dhismaha oo loo isticmaalay in lagu sii dhiso jasiiradda, waxana ka mid ahaa, qolofta qumbaha, jirridda geedaha jasiiradaha deriska ah, ciid, iyo xitaa qashinka.
Jasiiraddan in la dego waxa soo jiitay maaha in kaluunku ku badan yahay laakiin waxa jiraiyadoon aanay jasiiraddan ku noolayn kaneecadu. Dadka deggan jasiiradda ayaa maqnaanshaha kaneecada ku sababeeyay dhir kala duwan oo ku taalla oo aanay jeclayn kaneecadu, kuwo Kalena waxa ay qabaan in shacaabiga ku hareeraysan Jasiiradda in ay sabab u tahay.
Jasiiradan oo ay heleen koox kaluumaysato Kolombia ah 150 sano ka hor waxay sheegeen inay ahayd jasiirad aan cayayaan ku noolayn taasi oo ay kaga duwanayd jasiiradaha kale.
Jasiiradda “Santa Cruz del Islot” waxa ay ka mid tahay jasiiradaha “San Bernardo” ee ku yaal biyaha Kariibiyaanka ah waa gobolka ugu cidhiidhsan adduunka, iyadoo 102 kun oo mitir oo laba jibbaaran, ay ku nool yihiin 1,200 oo qof.
Dadka jasiiradan ayaa ku nool cidhiidhi ka badan afar jeer kan ay ka cabanyaan dadka degan xaafadda Manhatn ee Newyork Dalka Maraykanka.
Jasiradan waxa ka dhisan oo keliya 90 guri , dhamaan dadka way is awada yaqaaniin , albaabada guryaha, laba dukaan iyo hal makhayaad oo ku taalla midkodna lama xidho.Waxa kale oo ay leedahay hal dugsi. Jasiiraddan waxba laguma xado madaama tirade dadkuba ay kooban tahay. Waxaana ay sheegeen in dhibaatada u weyn ee haystaa tahay iyagoon dadka dhinta u hayn goobo ay ku aasaan. Dadka Degan ayaa aad uga cabsi qaba in haddii tirade dadku kordho ay dhibaato noqon doonto in lagu noolaado jasiiradan oo aad u cidhiidhi ah, waxaana ay codsaden in wax laga qabto mushkuladda dhul la’aanta ah ee haysata.
Jasiiraddan oo aad u yar awgeed, dadka deegaanka qaarkood ayaa ayaa uga guuray jasiiradaha deriska ah, sida Jasiiradda Tintipán ama Jasiiradda Múcura.
Sannadkii 2013, gole beeleed ayaa loo sameeyay dadka deegaanka si ay uga hadlaan dhibaatooyinka deegaanka. Jasiiradda iyo qaar ka mid ah guryaha la deggan yahay ayaa waxaa saameeyay daadad ka dhashay mowjad baraf ah oo dhacday sanadkii 2018. Arrimahasi waxay noqdeen kuwo cabsi ku abuura bulshada deggan Jasiiraddan.
Dawladda Kolombia ayaa sanadkii 2020 u samaysay adeeg Internet bilash aah si ay dadka Jasiiraddau waxabrashada foga kaga qayb galaan.
Iyadoo ay jiraan dhibaatooyin badan hadana qaar ka mid ah dadka kunool Jaziiradaasi waxa ay sheegeen in aanay dareemeyn saboolnimo oo ay ku nool yihiin awoodooda wax soo saar, madaama aanu jirin kharsha badan oo ka baxaya. Dhaqaalaha jasiiradda ayuu udub dhexaad u yahay kalluumeysiga, iyo sidoo kale adeegyada sida cunto karinta, nadiifinta, iyo kharshadaak alagaqaado hagista dalxiiska oo ad ugu badan jasiiradda. Guud ahaan waa dad ku qanacsan nolosha deegaanka ay ku nool yihiin inkasta oo aanay jirin shaqooyin kal duwan, haddana waxa soo saarka kaluunka ayay ku dabooleen dhamaan noloshooda.