Khadar.M.Dhako.
Hargeysa(Dawan):-Ciidanka Dabdemiska Somaliland ayaa beeniyay war lagu baahiyay Telefishanka SAAB oo lagu sheegay in Ciidanka Dabdemiska, Caruurtooda iyo Xaasaskooda uu dharka ciida guddoonsiiyey Ganacsade Cumar Caydiid.
Ciidanka Dabdamiska Somaliland,ayaa si adag u beeniyay in ciidanka,caruurtooda iyo xaasaskooda ganacsade Cumar Caydiid uu u ballan qaaday dharka ciida,taas oo ciidanka sheegay in war sidaa lagu sheegay oo been abuur ah laga baahiyay telefishanka Saab.
Qoraal ka soo baxay taliska Ciidanka Damdamiska,ayaa u dhignaa sidan.
“Ciidanka Dabdemiska & Samata bixinta JSL waxa uu si cad u beeninayaa warka u baahiyey Television ka SAAB TV ee ku saabsan in Ciidanka Dabdemiska, Caruurtooda iyo Xaasaskooda uu dharka ciidda guddoonsiiyey una kafaala qaadey Ganacsade Cumar Caydiid.
Ciidanka Dabdemiska iyo Samata Bixinta Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shaqada Heeganka Hebeenimo ee Suuqyada uu bilaabay tan iyo markii la aasaasay Ciidanka Dabdemiska oo gaadhaysa muddo 12 sano ah sidey dadweynuhuba markhaati ka yihiin mana aha shaqo hadda la bilaabay oo ka timi Fikir uu soo Jeediyay Muwaadin, Iyaga oo Ciidanka Dabdemiska iyo Samata Bixintu sii wadi doonaan u adeegida bulshada si hufnaani ku jirto anagga oo ay naga go’an tahay ilaalinta anshaxa iyo Nidaamka shaqo ee Ciidanka.
Ugu danbayn waxaan Bulshada iyo Warbaahinta Xasuusinaynaa in wararka Rasmiga ah ee la xidhiidha Ciidanka Dabdemiska iyo Samata Bixinta Jamhuuriyadda Somaliland Laga helo Maamulka Sare ee Ciidanka Dabdemiska iyada oo lagu soo baahiyo mareegaha uu Ciidanku ku leeyahay Baraha Bulshada.”