Burco(Dawan):-Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Burco, Mudane Amiin Cabdillaabi Yaasin, ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Burco, uu ka bilaabmi doono tartanka orodada Maratoonka.
Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay barta dowladda hoose ee degmada Burco.
“Shaacin waxa degmadda Burco ka qabsoomi doona 11/4/2025 tartanka orodada (Marathons), Kaasi oo ay iska kaashan doonaan Dowladda hoose ee degmadda Burco Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyadoona Tartankani la ordi doono Shan Kiiloomitir.
Tartanka waxa ka soo qayb gali doona Dhamaan Gobolada Soomaliland, Waana fursad qaaliya oo u soo hooyatey dhalinyarada Jecel Ciyaaraha orodka.
Tartanka waxa soo abaabulay Suldaan Hassan oo ah Orodyahan Caalamiya islamarkaasna Guulo ka soo hookey tartamo lagu qabtey Qaaradda Yurub.
Fiiro gaar Ah Tartanka Waxa ka Qayb gali doona muwaadiniinta reer Soomaliland ee ku dhaqan dhamaan Gobolada Dalka.”