Wasaaradda Ciyaaraha oo Daahfurtay Samaynta Siyaasadda Ciyaaraha Somaliland

0
38

Qore C/wahaab Daahir Xasan

Hargaysa (Dawan):Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa soo qaban qaabisay kulan lagu daah furayey samaynta Siyaasadda ciyaaraha ee Somaliland, waxaana kulankaas ka soo qayb galay wasiirka, wasiirku xigeenka, Agaasimaha guud, Maayer ku xigeenka Caasimada Hargaysa, Masuuliyiin ka socotay haayadaha dawlada iyo daneeyayaasha bahda ciyaaraha Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Yaasiin Maxamed Faarax oo madasha ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada kulankaas ay u qabteen iyo muhiimada ay leedahay in la helo shuruuc lagu maamulo ciyaaraha taas oo sida wasiirku sheegay muddo qabsoomi la,ayd balse hadda u soorto gashay in ay ka hawlgalaan isla markaana noqonaysa markii ugu horrayeysay ee la samaynayo siyaasadda ciyaaraha qaranka Jamhuuriyadda Somliland.

”Sharaf bay iitahay in aan daahfuro Siyaasadda ciyaaraha Qaranka Somaliland, Waxa uu wax wayn ka taridoonaa nidaamka maamulka ciyaaraha Somaliland, waxaynu nahay dal aan lahayn wixii ciyaaruhu ku kala socon lahaayeen ” Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.

Waxa kale oo uu wasiirku intaa ku daray in ay nidaamka maamul ee ciyaaraha Somliland lagu maamula ay yihiin xeer jajab balse hadda wixii ka dambeeya ciyaaraha Somaliland  ay yeelan doonaan xeer baarlamaan oo lagu maamulo ciyaaraha.

Geesta kale Kasiirk Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyeyn marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciyaarahu intii ay somaliland jirtay waxa uu xusay in la soo maray wakhti ay aad u adkayd qabasha ciyaaruhu maadaama garsoorka iyo ciyaartoyguba aanay qaadanayn wax lacaga.

Yuusuf Nuux Yuusuf Tadhase ayaa sheegay in ay doonayaan ka maamul ahaan  mudada xilka wasaaradda hayaan in ay ka tagaan wax qabad dhaxal gala oo nidaamka ciyaaraha wax katara, sidoo kalena waxa uu bahda ciyaaraha ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii ay wax wanaagsan uga tagi lahaayeen kaasi oo dhaxal waara u noqon doona bahda ciyaaraha.

Gabagabadii waxa isna dhiniciisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha isagoo balan qaaday in ay si hufan ugu shaqayn doonaan Dhalinyarada Somaliland, waxa uu xusay in ay fulinayaan siyaasada xukuumada cusub ay ka leedahay dhinaca horumarina ciyaaraha iyo sidii loo heli lahaa xeerar lagu maamulo oo la jaan qaada kuwa ciyaaraha dunida lagu maamulo.