Qore: Faysal Xiis Afgaab
Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan oo waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal) ayaa shalay Xarunta Barashada Waddaniyadda ee wasaaradda ka furay Barnaamijka DALJIR oo ah Tartan Aqooneedka Waddaniyadda iyo Dastuurka.
Barmaamijkaas waxaa loogu talagalay in lagu horumariyo Aqoonta, Xirfadaha iyo Fahamka dhallinyarada ee ku saabsan Dastuurka iyo Waddaniyada, Kaas oo xooga sari doona inay muwaadiniintu si qoto dheer u fahmaan Xuquuqda iyo Waajibaadka, iyo sida ay tahay in loo ilaaliyo Qaranimada iyo Nidaamka Sharciga ee Dalka.
Ugu horayn waxaa madasha ka hadlay Agaasimeeyasha Xarunta Waddaniyadda iyo Agaasimaha Waaxda Dastuurka ee wasaaradda iyo macalimiintii soo diyaarisay Tartan Aqooneedka Daljir oo dhamaantood ku dheeraday
qiimaha fahamka Dastuurka iyo in la ahaado bulsho leh Waddaniyadda iyo Dal jacayl.
Waxaa hadalka qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal) oo sharaxaad balaadhan ka bixiyey muhiimada uu barnaamijku leeyahay dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan.
Ugu dambayn wasiirka Wasaarada Xidhiidha Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan ayaa Ka hadlay ujeeda barmaamija isagoo sidoo kalena sheegay inuu barnaamijkani uu sii socon doono ilaa 19 bisha lana gaadhsiin doono gobolada iyo degmooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.