Xukuumadda oo Dhaam-biyood ka Horgelinaysa Deegaanka Boodhlay ee Gabilay

0
33

Qore C/wahaab Daahir Xasan

 

Gabilay (Dawan):- Xukuumadda Somaliland,ayaa dhaam-biyood ka hirgelinaysa deegaanka Boodhlay ee gobolka Gabilay.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Mudane Abubakar Cabdiraxmaan Good oo ay weheliso Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha dhaam biyood weyn oo laga hirgelinayo deegaanka Boodhlay ee gobolka Gabilay, dhagaxdhiga dhaam-biyoodka,waxaa kale oo ka soo qayb galay madaxda heer gobol iyo heer degmo ee gobolka gabilay.

 

Dhaamkaas ayaa qayb ka ah mashruuca Barwaaqo, oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, isla markaana Wasaaradda khayraadka Biyuhu si toos ah u fulinayso, ujeeddada mashruucaas ayaa ah sidii loo xalin lahaa baahiyaha biyaha ee deegaanka, si wax looga qabto dhibaatooyinka biyo yaraanta ah ee soo noqnoqda.

 

Dhagaxdhiga dhaam Biyoodka ayaa la filayaa inuu wax weyn ka taridoono nolosha bulshada deegaanka ee dhinaca biyaha, isla markana gacan ka geysan doona kor u qaadista horumarka iyo adeegyada biyaha.

Geesta kale Mashruucan ayaa ka mid yahay dadaallada xukuumadda cusubi ay ku doonayso wax ka qabashada xaaladaha biyo yaraanta 100-ka maalmood ee ugu horreeya muddo xileedkeeda.

Gabagabadii Dhaamkan cusub ayaa la rajeynayaa in uu xoojiyo kaabeyaasha biyaha ee gobolka, taasoo u horseedi doonta dadka ku nool deegaanka Boodhlay iyo nawaaxigeeda inay helaan biyo ku filan.