Kumanaan kun oo qof oo ka socda qoomiyada Boran ayaa isugu soo baxay koonfurta dalka Itoobiya, kuwaas oo isugu soo baxay mid ka mid ah xafladaha dhaqanka ee ugu waaweyn dalkaasi.
Xafladda Gada oo socota muddo toddobaad ah, oo Axaddii la soo gebo-gabeeyey, ayaa loo qabtaa xil-wareejintii rasmiga ee madax dhaqameedka, isla markaana lagu soo bandhigo kii beddeli lahaa – waana arrin dhacda siddeeddii sannadoodba mar.
Dhaqankan oo si joogto ah loogu magacaabo Abbaa Gadaa cusub ayay bulshada Boorantu ku soo dhaqmi jireen qarniyo badan – waxayna inay isugu soo ururaan dhulka miyiga ah ee Arda Jila Badhasa, oo u dhow magaalada Areero ee Itoobiya.
Waa marka loo dabaaldego qaabkooda gaarka ah ee dimuqraadiyadda iyo sidoo kale hiddaha dhaqameed, iyada oo koox kastaa ama qaybaha bulshadu ay kaga faa’iidaystaan fursad ay ku xidhato dhar-dhaqameedkooda kala duwan, waxaana lagu soo bandhigaa maalin ka hor xil-wareejinta. Xitaa haweenka ayaa lagu gartaa dharkooda kuwa guriga leh iyo kuwa dhaliyarada ah.
Boranta oo bulsho xoolo-dhaqato ah ayaa haweenka laga reebay inay qabtaan awoodda ugu sarreysa ee Abbaa Gadaa, ama ay ka mid noqdaan golaha guurtida ee loo soo bandhigo nidaamka carruurnimada. Laakiin doorkooda muhiimka ahi waxaa weeye inta lagu guda jiro xafladda waxay dhisaan hoyga dadka sii joogi doona usbuuca iyo cuntada oo ay diyaariyaan.
Nidaamka maamul doorasho ee gaarka ah ee Gada, ayaa lagu daray liiska hiddaha dhaqanka ee Qaramada Midoobay 2016, nidaamku wuxuu u ogolaanayaa shirarka bulshada cidda loo dooranayo Abbaa Gadaa iyo inay dadku fikradahooda ka dhiibtaan Abbaa Gadaa
Kuwaas waxaa lagu soo bandhigaa maalin ka hor xil wareejinta rasmiga ah iyada oo lagu jiro dibad-bax markii haweenka la qabo ay ku socdaan budhadh alwaax ah, oo loo yaqaan “siinqee”.
Cidda noqonaysa Gada waxay u furan tahay oo keliya wiilasha aabbayaashood horeba xubin uga ahaayeen – dhallinta dhaxalka u leh Gada ayaa madaxa laga xiiraa si ay u caddeeyaan darajadooda.
Goobo yar ayaa madaxa loogu sameeyaa, waxay muujinaysaa inuu diyaar yahay hadii la doorto. Marka la doorto madax dhaqameedkaasi 8 sanno oo keliya ayuu xilka haynayaa.
Sida hay’adda caalamiga ah ee dhaqanka ee UNESCO ay soo warinayso , dhalinta xubinada Gadaa xaq u leh waxa la sii baraa taariikhda afka ah iyo taariikhdasharciyada. Sidoo kale waxa la sii baraa caadooyinka, xisaabinta waqtiga, xiddigiska, khuraafaadka, xeerarka anshaxa, iyo shaqada nidaamka Gada”. Tababarka wiilashuna wuxuu ku bilaabmaa da’da siddeed jir.
Waxay galaan qiimayn, waxaa lagu qiimeyn doonaa kartidooda hoggaamineed mustaqbalka.
Markay koraan, imtixaanada laga qaado waxaa ka mid ah inay masaafo dheer ku lugeeyaan kabo-la’aan, inay si hufan u qali karaan lo’da iyo inay naxariis u muujiyaan saaxiibbada.
Munaasabadan ayaa aheyd xil wareejinta, Abbaa Gadaa 48-jirka ah ee xilka ka degay iyo Abbaa Gadaa ka yar. Guyo Boru Guyo oo 37 jir ah, oo halkan lagu arkay isaga oo waran haya, ayaa loo doortay inuu hoggaamiyo, sababta oo ah waxa la dhacay golaha guurtida intii uu ku jiray dhallinyaranimada.
Wuxuu noqonayaa Abbaa Gadaa kii 72aad wuxuuna hadda kormeeri doonaa bulshada Borana ee xuduudaha – koonfurta Itoobiya iyo waqooyi-galbeed ee Kenya.
Isaga oo ah dublamaasigooda ugu sarreeya, waxa uu sidoo kale mas’uul ka noqon doonaa xallinta khilaafyada madaxa ka keena xoolo-dhaqatada.
Kuwaas oo inta badan ku lug leh xoolo dhac iyo muran ku saabsan helidda biyaha ee gobolkan ay abaaruhu ka jiraan.
Siddeedda sano ee uu xilka hayo, dhaxal-sugaha waxa uu dhamayn doonaa tabobarkiisa si uu u qabto shaqada si uu u sii wado dhaqankan fac-weyn.
Borana waxay leeyihiin qiyam astaan u ah ilaalinta haweenka, kuwaas oo la arko xilliga colaadaha.
Haweenka Borana ee guriga leh waxay qataan Budh ama ul loo yaqaan Siiqee. Haddii usha siinqee ay dhulka dhigto naag la qabo oo ay laba qolo is hayaan, taasi waxay ka dhigan tahay in colaaddu si degdeg ah u joogsato ixtiraam awgeed.