Ukraine ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay aqbasho xabbad joojin degdeg ah oo 30 maalmood ah oo ay la gasho Ruushka oo uu soo jeediyay Maraykanku, ka dib wada-hadallada ay Maraykanka iyo Ukraine ay ku yeesheen Sucuudiga.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in uu dalabka u gudbin doono Ruushka oo hadda kubbadu dhinacooda tahay. Moscow ayaan weli si cad uga hadlin arrintan.
Madaxweynaha Ukraine Volodomyr Zelensky ayaa sheegay in hadda ay ku xidhan tahay Maraykanka inuu ku qanciyo Ruushka inuu ogolaado soo jeedinta “wanaagsan”.
Wadahadalladii Salaasadii ka dhacay Jeddah ayaa ahaa kulankii ugu horreeyay ee rasmi ah ee labada dal tan iyo isku dhacii aan caadiga ahayn ee Zelensky iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhexmaray Xafiiska Oval 28-kii Febraayo.
War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen Maraykanka ayaa sidoo kale waxa ay ku sheegeen in ay si degdeg ah dib u bilaabi doonaan wadaagista xogta sirdoonka iyo kaalmadii dhinaca amaanka ee Ukraine,taasi oo Washington ay joojisay.
“Labada wafdi waxay ku heshiiyeen inay magacaabaan kooxahooda wada xaajoodka waxayna isla markiiba bilaabaan wada xaajoodyo ku aaddan nabad waarta oo bixisa ammaanka Ukraine ee mustaqbalka fog,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Maraykanka iyo Ukraine.
Rubio ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Jeddah goor dambe oo Salaasadii ku sheegay inuu rajaynayo in Ruushka uu aqbalo soo jeedinta.
Ukraine waxay diyaar u ahayd inay joojiso toogashada oo ay bilawdo hadalka,” ayuu yidhi, haddii Ruushku diido dalabka “markaa nasiib darro waxaan ogaan doonaa waxa caqabad ku ah nabadda “.
“Maanta waxaan bixinay dalab ay reer Ukraine aqbaleen, kaas oo ah in la galo xabbad joojin iyo wada xaajood degdeg ah,” ayuu yidhi.
“Waxaan hadda u gudbin doonaa dalabkan Ruushka, waxaana rajeyneynaa inay dhahaan haa nabad, kubaddu hadda waxay taalaa garoonkooda,” ayuu raaciyay.
Ergeyga gaarka ah ee Trump Steve Witkoff, oo ku sugnaa wada-hadallada Jeddah, ayaa lagu wadaa inuu u safro Ruushka maalmaha soo socda, sida uu BBC-da u sheegay ilo xog-ogaal ah oo qorshahan la socda, inkastoo arrintani ay dhaqso isu beddeli karto.
Soo jeedinta xabbad-joojin 30 maalmood ah ayaa ka baxsan soo jeedinta Zelensky ee xabbad-joojin qayb ahaan cirka iyo badda ah.
Kremlin-ka ayaan wali si cad uga jawaabin. Waxa ay sheegtay goor sii horeysay in ay soo saari doonto bayaan ka dib markii ay Washington warbixin ka siisay natiijada wadahadalka.
Laakiin xildhibaanka saamaynta leh ee Ruushka Kostantin Kosachev ayaa sheegay in heshiis kasta oo suurtagal ah uu noqon doono.