Qore: Khadar M. Xaashi
Hargaysa (Dawan):-Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan,ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay dawladda Shiinaha oo Somaliland ugu baaqaday in ay ka laabato xidhiidhka ay la leedahay dawladda dalka Taiwan.
Waxaa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo dalka Maraykanka oo u uku tilmaamay mid ka turjumaya danaha Somaliland iyo Maraykanku ay wadaagaan ee ay iska kaashanayaan.
.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland , Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo Waraysi siiyay BBC Somali,ayaa intaa ku daray in Somaliland xaq u leedahay dawladaha caalamka xidhiidhka ay la yeelanayso isla markaana aan dal kale u yeedhin Karin cidda ama dawladaha ay xidhiidh la wadaagayso.
Wasiirka ayaa intaa ku daray isagoo hadalkisa sii wata. “Waddan waliba xaq ayuu u leeyahay cidda uu xidhiidh la yeelanayo manaan arag dal dal kale u yeedhinaya cidda uu xidhiidh la yeelanayo, iyo cidda aanu xidhiidh la yeelanayn,Dawladda Taiwan haddaan xidhiidh la leennahay waxaan ka mid nahay dawladaha adduunka intooda badan oo iyaguba xidhiidh la leh,xidhiidh dhawaale iyo mid iskaashi midka uu doonoba ha ahaado,sababta xidhiidhka Taiwan aanu la leenahay shiinuhu u dhibsanayona annagu ma garanayno.
Wasiirka oo ka hadlayay cidda Somaliland ay xidhiidh la yeelanayso in ay u tahay dal u madax bannaan ayaa yidhi.”cidda ay xidhiidh shiinuhu la yeelanayaan annaga(Somaliland) talo nagama waydiiyaan anaguna talo cid kale kama waydiinayno cidda aanu xidhiidh la yeelanayno.”
Wasiirka oo ka hadlayay xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka ayaa yidhi. “Aad ayaanu u xiisaynaynaa oo aanu usoo dhawaynaynaa xidhiidhka naga dhexeeya Maraykanka.
Hadda waa xidhiidh bilow ah, waxaana ugu muhiimsan in danta Somaliland iyo danta Maraykanku ay iswaafaqaan,”
Wasiirku waxa uu intaas ku daray. “Waxa noo muhiim ah in xidhiidh kasta oo aanu samaynayno uu ku salaysnaado danaha Somaliland iyo aqoonsiga Somaliland.”
Mar la waydiiyay in Somaliland saldhig ciidan oo Maraykanku ku yeesho Berbera ay ku beddelanayso aqoonsi, ayuu sheegay in aanu hadda rabin in uu ka hor dhaco wax aan bislayn.
Arrinta ku saabsan qaabilaadda dadka reer Falastiin ee uu Trump rabo in uu baro-kiciyo,oo wax laga waydiiyay wasiirka. Mar kale,ayuu sidii uu ku sheegay waraysigii Reuters,siiyay waxaaa uu xusay in anay jirin cid codsi ula timid ama arrinta kala hadashay, sidaas darteedna aanu doonayn in uu buunbuuniyo wax aan miiskaba oollin.
Wasiirka oo inta kadib wax laga waydiiyay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, iyo is-fahamkii ay dhinacyadu gaadheen sannadkii hore, ayaa sheegay in xidhiidhka labada dhinac marayo meeshii ugu fiicnayd, isla markaana aanay waxba iska beddelin xidhiidhkooda.
Wakiilka dawladda Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Allen Lou, ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu yahay mid iskaashi oo ku dhisan masaalix iyo danno wadaag.
Allen Lou wuxuu sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, waxaanu bayaamiyay in golaha amniga qaranka ee maamulka madaxweyne Trump ay ammaaneen cilaaqaadka Somaliland iyo Taiwan sannadkii 2020.