Maayerka Balligubadle oo Amar ka soo Saaray Beero Sharci Darro ah iyo Waddooyin la Xidhay

0
23

Khadar.M.Dhako.

 

 

Hargeysa( Dawan):-Maayerka Magaalada Baligubadle Maxamed  Cabdi Muxumed Shiine  ayaa ka hadlay kormeer uu ku soo maray Deegaanka Baybayga oo cabasho uga timid dadka ku dhaqan in wadooyin la jaray  beero cusub  laga sameeyay.

 

Maxamed  Cabdi Muxumed oo Shalay Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa

ayaa  sheegay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan hadii lagu banayn waayo muddo toddoba cisho gudahood  waddooyin la jaray iyo beero cusub oo laga sameeyay deegaanka Baybayga,isla,markaana laga soo gudbay xadkii ay samaysay Wasaarada deegaanku

 

 

Maxamed  Cabdi Muxumed oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Maanta shalay waxa aanu gaadhnay deegaanka Baybayga taas oo ay nagaga timid cabasho dadka ka cabanayaan.beero cusub oo la sameeyay iyo  wadooyin la jaray,waxa  aanu indhahayaga ku soo aragnay Wadooyinkii oo la jaray iyo beero cusub oo la sameeyay.waxa safarka nagu wahelinayay isku duwaha Wasaarada deegaanka iyo isku duwaha beeraha. bulshada beebayga waxa aanu u sheegaynaa in xoolo dhaqata daaqa  u ilaaliyaan.,xadkii  ay samaysay  Wasaarada deegaanka waalaga soo gudbay,waxa aanu u qabanaynaa in muddo toddoba cisho gudahood wadadii xooluhu marayeen ku baneeyaan.wadooyinka ay jareena baneeyaan,haday ku banayn waayaan waxa aanu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo iskugu jirta xadhig iyo ganaax.meesha kaliya ee la wada leeyahay waa banka hadii aan banka la ilaashan xoolo idiin dhaqmi maayaan,”.