Sheekooyinka Yaabka

0
21

In nolosha lagu aaso qofka isagoo aan dhiman waa dhacdo la yaab leh oo naadir ah, balse waxay dhacdaa marka masiibooyinka dabiiciga ah sida daadadka iyo dabeylaha dumaya guryaha, dagaallo, abaaro iyo cudurro sababa dhimasho badani ay dhacaan.

Waxa ay keenaan in la saameyo xabaal wadareedyado badan, iyadoo laga yaabo in dadka lagu aaso iyagoo nool khalad ku yimi degdega loo aasayo iyo tirade badan ee dhimishada iyadoo laga cabsi qabo in xanuuno ka faafaan.

Qoraalkan waxa aynu ku eegi doona dad si khalad ah iyagoo nool loo aasay iyo dhibaatadii ay kala kulmeen.

Sanadkii 2013, Gabadh u dhalatay dalka Brazil ayaa booqatay xabaalaha magaalada Sao Paulo, si qof qaraabdeeda xabashii siyaaranaysay.

Gabadhan ayaa aad u naxday oo la yaabtay nin gacantiisu ka soo baxday qabrigii uu ku aasnaa. Isla markiiba waxay u sheegtay booliiska in xabaasha uu ku jiro qof gacantiisu ka soo baxday.

Booliiska ayaa yimi waana ay ka soo saareen isagoo nool laakiin aad u dhiban oo dhaawacyo ku muuqdaan.

Waxa uu ah shaqaale ka tirsan dawladda Hoose waxaana soo weeraray koox budhcad ah oo doonaysay in ay xoog kaga qadaan hantida uu sitay. Laakiin waxa uu u isu difaacay si adag, waxaana ay keentay in ugu danbayntii ay jug weyn ku dhuftaan taasi oo keentay in uu miyir beelo, iyaguna ย ay u malayeen inu uuย  dhintay , ka dibna waxa ay ku aaseen xabaalahan.

Ninkan inkasta oo la soo badbaadiyay haddana waxa ku dhacay xaalad nafsaani ah oo ay sababtay qabrigii uu ku dhex jiray mudada sida qoyskiisu sheegeen.

Dalka Shiinaha Magaalada Hefei ee xarunta Gobolka Anhui waxa ku dhashay ilmo yar. Dhakhatiirta ayaaogaaday in ilmhan yari uu qabo cillad xagga neefsashada ah waxaana ay ku xidheen qalab hawada neefta ah siinayay.

Muddo bil markii ay ku xidhnayda ayay ka saareen iyagoo u maleeyay in uu dhintay oo aanu hawada qaadanayn. Wakhtigaasi ayaa la diyaariyay xafladdii ilmaha yar maydkiisa lagu gubi lahaa.

Markii wax kasta la soo diyaariyay xaabadii iyo agabka kale ee looga baahnaa gubidda ayaa ilmihii yara ee loo haystay in dhintay uu ooyay, dadkii goobta joogay oo dhana ayaa wada argagaxay oo gartay in uu weli nool yahay. Ilamah neefsahadiina ay caadi noqotay.ย  Marka qofka Allah dilayo keliya ayuu dhimanaya. โ€ฆ. (Source: Kabus)

ย 

ย 

ย