Soonku Waa Gaashaan!

0
20

Waxaa laga weriyey Mucaad ibn Jabal (Rc), Inuu yidhi :

”Waxaan ku idhi Rasuulkii Allow (scw) ii sheeg camal aan Jannada ku galo, Naartana iga Fogeeya. Wuxuu yidhi Rasuulku (scw), “ Waxaad iweydiisay arrin weyn, waana sahlan-yahay ninkii Allah u fududeeyo: “Allah keligii caabud oo cid kale ha la wadaajin cibaadada, tuko salaadda, bixi sakada, soon bisha Ramadaanka, Xajka gudo, markaasuu yidhi, soo kumaan tusin albaabada khayrka: Soonku waa gaashaan, sadaqadu waxay demisaa dembiyada, sida biyuhu dabka u damiyaan, waana sidaas oo kale salaadda saqda dhexe loo kaco”.

( Werin: Tirmidi Xadiis Xasan ah)