Qore C/wahaab Daahir Xasan
Boorama (Dawan) Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland iyo sidoo kale Gudomiyaha Gobolka Awdal ayaa soo Kormeeray Waddada isku xidha Boorama-Baki, halkaasi oo maalmihii ugu dambaysay shaqo xoogan ay ka waday xukumada somaliland.
Waftiga ayaa markii ay gaadheen goobta wada dhismaheedu ika socdo waxa warbixin guud oo halka ay wadadu marayso ku saabsan kasiiyey qaar ka mdi ah ingineerada gacanta kuhaya dhismaha wadada.
Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Xasan Xoday oo gobta ka hadalay ayaa sheegay in ay wadadu siwacan u socoto isla markaana ay gacanta ku hayaan aqoonyahano aqon durugsan u leh dhismaha wadooyinka sodoo kalena ay ka maamulo gobol ahaan marwalba korjoogteeyaann dhismaha wadada.
Masuuliyiintu waxay bogaadiyeen horumarka laga sameeyey dhismaha waddadan, iyagoo xusay in ay meel wanaagsan marayso, taasoo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha gobolka.
Maareeyaha Ha’adda Horumarinta wadooyinka Somaliland Maxamed Faarax oo isna hadal kooban ka jeediyey madasha ayaa waxa uu yidhi. “Reer Booramaha iyo Reer Baki mid baan ugu bishaaraynayaa, wadadaasi waa siday u bilaabantay, waanay dhamaystirmaysaa Hadii Alle yidhaa”
Ugu dambayn, Maareeyaha iyo Gudoomiyaha Gobolka Awdal waxay xuseen in la dardargelin doono dhameystirka waddadan si ay ugu adeegto bulshada sida ugu dhakhsaha badan.