Wasiirka Caafimaadka oo Safar shaqo ku tegay Magaalada Caynaba

0
27

Qore C/wahaab Daahir Xasan

 Qorilugud(Dawan):- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi,ayaa xadhiga ka rayay  ballaadhin iyo dib u dhis lagu sameeyay cisbitaalka degmada qorilugud.

 

Munaasibadda xadhig ka Jarka oo ay ku waeheliyaneen Agaasimaga guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Dr.Axmed Maxamuud Jaamac iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo oo maalmihii u dambeeyay socdaal shqo ku marayay gobolada bariga Somaliland ayaa si rasmi ah adhiga uga jaray cisbitaalka guud ee degmada Qorilugud.

 

Wasiirka iyo weftigiisa ayaa soo kormeeray qaybaha kala kala duwan ee lagu soo kordhiyay cisbitaalka Dagmadda Qorillugud, iyagoo ku ammaanay cid kasta oo ka qayb-qaadatay ballaadhintay, dhankoodana xusay inay horena usoo gaadhsiiyeen qalab iyo daawooyin, haddana diyaar u yihiin inay dhamaystiraan wax kasta oo ka dhiman.

 

 

Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Xuseen Bashiir Xirsi  iyo wefiga uu Hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey   magaalada Caynaba Xarunta gobolka Saraar

 

Wasiirka iyo agaasimaha guud oo ka mahad celiyay soo dhawaynta masuuliyiinta heer goobol iyo degmop ee gobolkka Saraar iyo Caynaba ku qaabileen, ayaa dhankooda xusay in tan iyo markii looso magacaabay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Boqolkoodii maalmood ee ugu horeeyey ay Safar shaqo oo ay ugu kuurgelayaan xaaladda dhabta ah ee Gobolka kusoo gaadheen markoodii Saddexaad, taasina ay ka dhigantahay sida ay ka masuuliyiin ahaan mudnaanta u siinayaan xaalada Caafimaadka ee Gobolka Saraar.

 

Geesta kale Wasiirka ayaa maamulka gobolka Saraar ku wereejiyay gaadhi nooca gurmadka degdega ah (Unbalance) oo casri ah iyo daawooyin Caafimaad oo loogu talo-gelay inay ka qaybqaataan Horumarinta adeegyadda Caafimaadka ee Gobolka Saraar.

 

Ugu dambayn, Wasiirka Iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay ballaadhinta cusbitaalka Caynaba, kaaso qayb-ka ah dedaaladda ay waddo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku, isla markaana ah waxqabadyadda Boqolka maalmood ee u horeeya ee xukuumadda Waxqab iyo Wadajir