“Waxa aannu Dhammays-tirnay Qiimaynta Dhismaha Dekedda Lughaya” Madaxwaynaha “

0
164

 

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo kudbad sanadeedkii Dastuuriga ahaa u jeediyay mudanayaasha labada aqal ee Guurtida iyo Wakiillada ayaa kaga hadlay ka xukuumad ahaan waxyaabaha ay ka qabteen kor-u-qaadista dhaqaalaha dalka, waxaanu xusay inay dhiseen jidad muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha, kuwo kalena ay hadda gacanta ku hayaan, kuwaasi oo wax wayn ka tari doona kor-u-qaadista dhaqaalaha dalka waxaanu sheegay

“ Mudadii koobnayd ee ay Xukuumadaydu xilka haysay, waxa ay qaadday tallaabooyin la taaban karo oo fure u noqday dabar-ka-furista awoodaha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aanu bilownay dhismaha iyo dib-u- dhiska Waddooyin muhiim ah, kuwaas oo ah deegaanno halbowle u ah xoolo dhaqashada iyo beeraha ku xidhaya suuqyada gudaha, magaalooyinka iyo dekedaha dalka.

Toddoba (7) waddo oo muhiim ah ayaa qaar la bilaabay dhismahooda, la dayactiray ama la dhammaystiray daraasaddii dhismahooda. Waxaa ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee Isku xidha Hargeysa/Balligubadle, iyo Boorama/Baki”.

Waxa kale oo madaxwaynaha Somaliland sheegay in ay dhameeyeen waigii koowaad ee qiimaynta dhismaha dekeda Lughaya, taasi oo mustaqbalka noqonaysa xudunta ganacsiga, isla markaasina ka qayb qaadan doonta koboca dhaqaalaha dalka waxaanu sheegay

“ Waxa aanu iyadana dhammaystirnay wejigii qiimaynta ahaa ee dhismaha dekedda Lughaya, taas oo dhabbaha u xaadhaysa in aynu mustaqbalka ka dhigno xuddun muhiim ah oo ganacsi”.

Waxyaabaha koboco dhaqaalaha ka qayb qaataya ayaa wax aka mid ah Tamarta dalka qiimaheeda si loo abuuro warshado wax-soo-saar oo ka qayb qaata koriinka dakhliga iyo dhaqaalaha dalka, waxaanu madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland xusay inay laydh magaalada Berber ay ku sameeyeen qiimo dhimis, si loo helo adeega Tamarta oo jaban waxaanu tilmaamay

“Xukuumaddu waxa ay go’aamisay hoos u dhigista qiimaha korontada ee magaalada Berbera oo laga bilaabo July 2025 noqon doona $0.20-dollar (labaatan centi) KW kii, kaas oo noqon doona qiimaha ugu jaban magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa iyana la xoojiyey shabakadda koronto ee magaalada Saylac taas oo saamayn toos ah ku yeelan doonta nolosha qoysaska magaalo xeebeedkan”.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in ka xukuumadda ahaa ay dhamays tireen 32 Ceel biyod, dhaamam, barkado, kuwaasi oo loogu tallogalay cabitaan bulshada iyo waraabka Beeraha wax-soo-saarka, waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Beeraleyda iyo Kalluumaysatada dalka u sameeyeen caawimo qalab, dhiirigalin, aqoon korodhsi, sidoo kalena ay qorshayeen hirgalinta maalgashi lagu warshadaynayo hilibka xoolaheena waxaanu sheegay

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somailand ayaa sidoo kale ka hadlay in ka xukuumad ahaan dhinaca dhaqaalaha ay xooga saareen sadex aa goo ay u arkeen inay kordhinayaan wax-soo-saarka gudaha iyo miisaaniyadda Qaranka kuwaasi oo kal ah

𝟏. 𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐰𝐚𝐚𝐝: 𝐗𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐬𝐨𝐨𝐬𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:

Kalluumaysiga: Waxa aanu dhammaystiri doonnaa casriyeynta iyo kobcinta kaabayaasha, iyo aqoonta farsamo ee kalluumaysiga, iyo suuqgeyntiisa gudaha iyo dibadda.

Xoolaha: Waxa aanu sii xoojin doonnaa dadaallada bilowday ee horumarinta xoolaha. In la kordhiyo daryeelka caafimaadkooda iyo daaqsinkooda, iyo in dhoofka xoolaha nool lagu soo kordhiyo maalgashiyo dibadeed, oo dalka gudihiisa ku warshadeeya waxsoosaarka xoolaha.

Beeraha: Si ay Jamhuuriyadda Somaliland u noqoto dal soo saara cunto ku filan, Waxa aanu xoojin doonnaa horumarinta beeraha, gaar ahaan nidaamka waraabka, daryeelka caafimaadka beeraha, warshadaynta fudud ee wax-soosaarka cuntada, iyo in aynu xoojinno suuqa gudaha ee wax-soosaarka beeraha.

Xukuumadda wadajir iyo waxqabad waxay maaligelin dibadeed u heshay laba mashruuc oo lagu casriyeynayo, laguna hormarinayo wax soo saarka beeraha, kuwaas oo ay maalgelinayaan Hay’adda Pharo Foundation oo gelinaysa 20 million dollars, iyo dawladda Jarmalka oo gelinaysa 22 million oo dollars.

Macdanta: Macdantu waxa ay ka mid tahay khayraadka waaweyn ee weli dihin. Qorshaha Xukuumadu waa in maalgelin dibadeed iyo mid gudabalooraadiyosilookordhiyosahaminteeda, soosaaristeeda iyo u dhoofinteeda suuqyada dunida.

𝟐. 𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝: 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 iyo 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧𝐬𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚:

Cashuuraha: Casriyeynta nidaamka cashuur ururinta iyo ballaadhinta salka cashuuraha si dhaqaale loogu helo horumarinta muhiimka ah ee adeegyada dawladdu bixiso.

Maalgelinta hal-abuurka ganacsiga: kobcinta maalgelinta hal-abuurka ganacsi ee muwaadiniinta gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka

Dekedda Berbera: Waxaa naga go’an, ka faa’idaynta dekedda Berbera ee ballaadhinta iyo casriyeynta lagu sameeyey korna loogu qaaday tayada adeegyada ay bixiso si loo kordhiyo deegaannada xuduudka ka baxsan ee ay u adeegto dekeddu.

𝟑. 𝐀𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝: 𝐊𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐭𝐚𝐦𝐚𝐫𝐭𝐚

Xukuumaddu waxay sii wadaysaa dhismaha iyo sii ballaadhinta Waddooyinka istaraatjiga ah, dekedaha, iyo garoomada diyaaradaha, si aynu wax ula qaybsanno suuqyada gobalka.

Tamarta dabiiciga ah ayaanu iyadana xoojin doonnaa, Annaga oo maalgelin u raadin doonna tamarta laga dhaliyo qorraxda, dabaysha, iyo Hydrogen-ta, si koronto jaban loogu helo muwaadiniinta, adeegyada, waxsoosaarka iyo warshadaha. Magaalada Berbera iyo Boorama waxa baanka adduunku gelinayaa 30 million oo dollars taas oo lagu maalgelinayo korontada cadceeda lagu dhalliyo.

Dhibaatada isbeddelka cimiladu waxa ay ka mid tahay caqabadaha ugu daran ee curyaamiya dhaqaalaha. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku jirtaa dalalka ay gaadheen raadadka dhibaato ee isbeddelka cimiladu. Waxaannu xil gaar ah iska saarnay daryeelka deegaanka,

xakamaynta biyaha iyo cunto yaraanta, iyo ka hortagga guud ahaan dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.

Siyaasadda Xukuumadaydu waa in la ilaaliyo deegaanka, lala dagaalmo xaalufinta, muddo xileedka xukuumadana la beero saddex (3) million oo geed, taas oo u dhiganta in sannadkiiba 600,000 geed la beero. Maalinta Qaranka ee dhir beerista Jamhuuriyadda Somaliland oo loo asteeyey 15 ka April Sannad kasta, oo aannu daah-furnay Bishan Badhtankeedii in la beero 300,000 oo geed.

Geesta kale madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dheeraaday waxyaabah ay ka qabteen mudadii ay xilka hayeen arrimaha bulshada iyo adeega dadwaynaha, taasi oo uuu tilmaamay madaxwaynuhu inay waajib tahay in bulshadu adeeg ka helaan dawladooda.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inay wax ka qabteen adeegyada dhinaca caafimaadka, waxbarashada iyo habaynta shaqada iyo shaqaalaha dawladda waxaanu yidhi

“ Waxa aannu aaminsannahay inay waajib tahay, in muwaadiniintu ay dawladda ka helaan adeegyo ay u siman yihiin.

Muddadii boqolka maalmood ahayd waxaa xukkuumadayda u suurtagashay inay dardargeliso adeegyada dadweynaha. Toddoba iyo todobaatan (77) goobood oo rugo caafimaad iyo cisbitaallo isugu jira ayaanu dib uga shaqaysiinnay, ama adeegyadooda dib u habayn iyo dardargelin ku samaynay. Taas oo kordhisay tirada hooyooyinka xilliga umusha la soo gaadhsiinayo rugaha caafimaadka gaar ahaan deegaannada ka fog goobaha caafimaadka.

Sida oo kale waxa aanu bilownay dib u habaynta waxbarashada dalka. Talaabooyinka la qaaday waxaa ka mid ah casriyeynta iyo horumarinta manhajka oo lagu dari doono casharro waxtar u leh dhismaha bulshada kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha wacyiga wadaniyadeed ee ardayga, akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan, ilaalinta deegaanka iyo la dagaalanka takoorka.

Waxa aanu culays saarnay in aannu dejinno qorshayaashii aanu ku hirgelin lahayn kordhinta tirada hablaha iskuulada gala (waxbarashada) iyo in la yareeyo ardayda waxbarashada ka hadhaya. Waxa kale oo aanu bilownay dejinta manhajka waxbarashada jeelasha, si looga hortago caadaysiga dembiyada, lana dhiirrigeliyo in maxbuusku marka la sii daayo uu bulshada wax tari karo, isna shaqeysan karo.

Waxaa Xukuumadda u suurtagashay in waxbarasho bilaash ah la siiyo qaybtii koowaad ee agoonta ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kalana, waxa aanu bilownay dib u habaynta shaqada iyo shaqaalaha dawladda, hirgelinta sanduuqa hawlgabka, iyo in kor loo qaado kaabayaasha shaqada fududeeya ee ay ka mid tahay teknoolajiaddu, taas oo 54 kii shaqaale ee ugu horreeyey lagu tababaray”.

Gebo’gabadii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somalilad Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baaqyo kala duwan u diray dhalinyaradda, haweenka, waayeelka, hoggaanka dhaqanka iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada waxaanu yidhi

“Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee isugu jira hablo iyo innamaba, waxa aan ugu baaqayaa in ay isu diyaariyaan qaadista xilka ka saaran diyaarinta mustaqbalka dalkooda, inay ka qabgalaan dadaallada arrintaas lagu gaadhayo ee dawladdu waddo, iyo in ay hal- abuur iyo karti la yimaaddaan si ay iyagu hoggaanka uga qabtaan geeddiga.

Waayeelka, hoggaanka dhaqanka, aqoonyahanka iyo bulshada, waxa aan ugu baaqayaa in ay xikmaddooda, waayo- aragnimadooda, aqoontooda, iyo taariikhda ay hayaan uga faa’ideeyaan dadaallada dhismaha qaranka.

Si gaar ah, Haweenkeenna oo udub dhexaad u ah bulshada, waxa aan ugu baqaayaa in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha Qarankooda ay jecel yihiin.

Aynnu dhammaanteen ku hoos midowno calankeenna, gacmahana isu qabsanno dhismaha Qarankeenna iyo in aynnu gaadhno himiladeenna aqoonsi.

Alle ha barakeeyo Jamhuuriyeenna Somaliland … Nabadgelyo, Qarannimo iyo Horumarna ha ku waaro Qarankeennu Insha Allah”.