Dawladdaha Adduunyadu waa col u joog. Si taxane ah u socda daayin abid oo aan dhammaad lahayn, sababtoo ah dal waliba wuxuu ilaalshadaa dantiisa iyo duugaalkiisa hantiyeed ama wuxuu deddaal iyo halgan ugu jiraa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa khayraad iyo fursad ka maqan. Dabiciga aadanaha ee ququlatooyinka iyo is diiddooyinku aanay ka faariqin ayaa taas dhallinyana.
Waxa xilligan casriga ah dalalku u kala karaamo badan yihiin sida ay u kala cuddud iyo ciidan badan yihiin.
Waddan kastana waxa ay Quwadiisu ku xidhan tahay hadba cududda Ciidan ee uu haysto iyo awoodda bulsho ee ka qayb-qaadan karta Dagaallada.
Ciidammada qalabka sida ee Waddan walba waxay u qaybsan yihiin kuwo suga Amniga gudaha iyo cududda difaacda cadowga dibadda ka soo weerrara ama waa qaybta qaada gulufka ku wajahan dibadda. Marka laga yimaado Ciidanka Rigliga ah ee Waddan kasta leeyahay, waxa soo raaca kuwa Kaydka ah oo ah muwaadiniin loo carbiyo kartida Ciidannimo oo marka loo baahdo shaqada soo gala. Ahmiyadda ay Ciidanka Kaydku leeyihiin waxa kamida marka uu dalku dagaal galo inay noqdaan awood deg deg ah oo markaba la hawl geliyo, halkii loo baahan lahaa in Ciidan cusub la qoro.
Tobanka dal ugu Kaydka badan Ciidanka, waxa Ukraine, Russia, Taiwan, United States iyo North Korea. Tusaale ahaan Dalka Ukraine oo ay hadda dagaal iskula jiraan Ruushku wuxuu leeyahay in ka badan laba Milyan oo Askar Kayd ah (2.5 Milyan). Tirada Ciidankiisa Kaydku waxay ka badan yihiin Ciidammada Dalkaasi ee joogtada ah.
Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal ku yaalla mandaqad xaasaasi ah, kuna xeerran yihiin deegaanno ay ka jiraan duruufo nabad-gelyo xumo iyo xasarrado aan la saadaalin karin oo mar walba keeni kara colaaddo ujeeddooyin badan ah oo xuduuddaha ka soo gudba, waxa la jooggaa wakhti uu isbeddello waaweyn ku samaynayo Ciidamada Qalabka, kuwaasoo u baahan in wax badan laga bedello qaab-dhismeedka, tayada iyo tamartooda Ciidannimo, taasoo hawlgalladeedu si fiican u socdaan, qaybna ay ka tahay arrinta qarameynta Ciidamada Madaniga ah ee ka socota gobollada Barigu.
Tallaabada qarameynta Ciidanka Madaniga ah oo hortebin u ahayd Xukuumadda cusub ee talada la wareegtay horaantii sannadkii hore, iyadoo ku guulaystay intii badnayd ee Ciidameynta Maleeshiyaad-deegaamadii sida deg deg ah u samaysmay wakhtigii ay Ciidamada Qaranku ka soo baxeen fadhiisimadii bariga Sool, walina hawlgalkaasi dhexda kaga jirta, waxa farxad iyo reyn-reyn dhegaha bulshada soo gaadhay ah go’aankii Madaxweynuhu ku dhawaaqay Axaddii ee dhismaha Ciidanka Kaydka Qaranka.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ah hoggaamiye ay siyaasaddiisu ku dhisan tahay degennaan iyo fiirro-dheerri ayaa khudbad-sannaddeedkiisii dastuuriga ahayd si rasmi ah ugu dhawaaqay aasaaska Ciidankaas, xilli baahi weyn oo muuqata dalku u qabo tallaabadaasi, isla markaana qaran ahaan ay innagu xeeran yihiin daruuro colaaddeed oo dalka dibadiisa laga soo nashqadeynayo, maadaama oo ay qaybo kamida gobollada Dalku gacanta ugu jiraan Kooxo qaran-diid ah oo taageero ka haysta Maamulka fashilmay ee Soomaaliya, halkaana ay ka soo ifayso xiisad dagaal oo aynu toos isugu waajihi karno Xamar iyo huwanteeda.
Waxa xusid mudan oo intii og iyo ciddaan ogayniba inay dareentaa meesha ku jirtaa ama ay muhiim tahay markii uu socday dagaalka Laascaanood inay xukuumaddii talada haysay ay u baahatay Ciidan dheeraad ah oo deg deg loo hawlgeliyo, kuwaasoo ay ka dalbatay Madaxdhaqameedka iyo Odayaasha bulshada Somaliland, taasoo muujinaysa heerka ku-talo-gal la’aanneed ee difaaca dalka iyo jiritaan la’aanta Kayd Ciidan oo Qaranku leeyahay oo haddii hore loo diyaarin lahaa markii loo baahday dagaalka geli lahaa. Waxaanan Qodobkan tusaalaha ugu soo qaadanay inuu yahay midka ugu dhow, uguna markhaari-galsan ee inoo iftiiminaya baahida dalku u qabo hirgelinta Ciidankaasi.
Waxaanay taasi inoo caddaynaysaa in madaxweynuhu muddada kooban ee uu xilka hayey dareemay duruufaha adag ee Waddanka ku gedaaman xagga amniga iyo u-diyaar-garow la’aanta dhanka gaashaan-dhigga.
Sidaas darteed, marka hore madaxweynuhu wuu ku mahadsan tahay inuu soo dedejiyey qorshe qaran oo lagu dhisayo Ciidanka Kaydka, mar labaadkana waxa aan ku boorinaynaa inay xukuumaddu hore u bilowdo mashruucaasi oo aan xilli dhowba arragno dhammaystirkiisa. Waxa kale oo aynu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland ku dhiiri-gelinaynaa in marka ay hawsha qorista Ciidanka Kaydku bilaabanto si waddaniyad iyo ka go’naanshiyo leh looga qayb-qaato.
Waana inay dhalinyarada da’dooddu u dhexayso 17 ilaa 35 jir naftooda iyo nololshooda u hurraan u-diyaar ahaanshiyaha difaaca dalkooda.
Tani waa waajib mar walba saaran muwaadiniinta oo dhan, balse in nidaam sharci iyo ku-talo-gal loo sameeyo u baahan.
Sidoo kale, waa inay Xukuumaddu dareensanaataa in mashruuca shaqo-qaran ee socday sannadihii la soo dhaafay looga faa’iidaysan karo hirgalka qorista Ciidanka Kaydka. Ardayda ka baxda Jaamacaddaha Dawladda iyo Shaqaalaha rayidka ah ayaa iyaguna ah Kooxaha laga qaybgelin karo diiwaanka Ciidankaasi.Shuruucda iyo siyaasaddaha lagu maamulayo mashruucaasina waa inay noqdaan nidaamyo loo meel-dayey oo aan xaggal-daac yeellan.