Waxa aan Bogaadinayaa Nabad-yada lagu soo Xidhay Degmada Faca-weyn ee Ceelaf-weyn Maanta oo Ku Taariikhaysan 3 – 5 – 2025 – Ka.
Dirir Sokeeye Waa kaa dhimey, Oo kugu dhimey, Dirir Sokeeye Waa Dab aad qabad-siisay Degsiimadii aad ku ledaysay iyo Degelkii duun-yadaadu u hoyanaysay. Dhaxalka Dirir Sokeeye Waan duumo Cudur ah, Faqri aan duugoobin iyo Dib U dhac Umadeed.
Bulshada Degmada Ceelaf-weyn maanta Cid Walba iyagaa Uga Xogogaalsan Dhibaatada
iyo Waxyeelada Colaada Sokeeye ay leedahay. Way U dawlad-waayeen ee Cid Nabad Uga baahi-badnayd Ma jirin.
Waa Alleh (Swt) Mahadii Haddii Maanta ay Talada Dalka timi Dawlad ay Xanuun iyo Xumad Ku hayso Colaada Sokeeye ee Degmada Ceelaf-weyn. Waa Alleh(Swt) Mahadii Haddii Talada Dalka uu yimi hugaamiye Masuuliyada Xilka dareensan, Damiirkiisa Muwaadinimo uu Sareeyo, Waa Alleh (Swt) Mahadii Hadii Maanta lagu guulaystay in la soo Af-jaro Coladii iyo Dirirtii Sokeeye ee Degmada Ceelaf-weyn.
Go’aano adag bay Gudidii Nabadayntu soo saareen, Gudoon (Qaadasho) adag-na Wuu ka dhacay, Dawladu Gacan Adag bay balanqaaday, Shacabka Somaliland Gu’an Waa Markhaati.
Waxaan Alleh Uga rajaynayaa Bulshada Degmada Ceelaf-weyn in ay Degmooyinka Dhigooda ah la tar-tamaan, Wax-wada qabsiga
iyo Horumarka Degmada U midoobaan, Nabad Gelyada iyo Wada jirkoodana ilaashadaan.
Dr. Maxamuud Saleebaan Ducaale
Musharax Xildhibaan Golaha Wakiilada JSL