Hargeysa (Dawan)- Aqoonyahan Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ah bulshada reer Somaliland gaar ahaan gobolka Sool ayaa faahfaahiyay khilaaf soo kala dhex galay Garaadada ka arrimiya gobolka Sool waxaanu xusay inay u kala jabeen sadex kooxood kuwaasi oo siyaasad ahaa ku kala aragti duwanaaday halka loo jihaysanayo waxaanu yidhi
“ Laacaanood waxa ka taliya Garaadada, haddana Garaadadii waxa ka dhexeeya xintan, waxaanay u kala jabeen sadex kooxood, kuwaasi oo ay qayb taageersan yihiin Somaliland, qaybna Puntland qaybta kalena Soomaaliya.
Sidoo kale Aqoonyahan Maxamed Cali Maxamed ayaa si qoto dheer uga warbixiyay sadexda kooxood ee ay u kala jabeen Garaadada gobolka Sool iyo fikradaha ay kala aaminsan yihiin waxaanu cadeeyay in Kooxda taageersan ay sharciga caalamiga ah waafaqsan yihiin waxaanu yidhi
“Aniga aragti ahaan waxa aan qaybta Somaliland taageersan inay tahay qayb sharciga caalamiga ah waafaqsan ku taagan ama waafaqsan waayo? Dhulkaasi iyo dadkaasi sida la og-yaha ama sharcigu dhigayo waa Somaliland.
Garaadada Sool qaybta Puntland taageersan waa kuwo isticmaalaya Qabyaalad iyo Hartinimo inay ku bahaystaan ama ku raacaan, sababta oo ah sababta oo ah Qabyaalada ayaa dadka Soomaalida wax walba sharci iyo diin kala wayn sidaasi darteed qaybtaasina fikirka noocaasi ah ayay qabaan.
Garaadada Sool qaybta sadexaad ee u hanqal taagaysa dawlada Federaalka ah ee Xamar ka Talisa, qoladaa waxaan leeyahay bal waxaad is waydiisaan dawladda Federaalka ahi xagay ka shaqaysaa, xagayse ka jirtaa, maxayse la joogtaa”.
Dawladda waxa la yidhaa mida shaqaynaysa ee xukunka dalka oo dhan ama maamul goboleedyadda hoos taga xukunta, balse dawladaasi wax maamul goboleed ah oo ay gacanta ku haysaa ma jiro, dhammaan maamul gobeleedyadaasi faraheed way ka baxeen oo fara madaw ayay ka taagan tahay.
Qoladaasina waxaanu u sheegayaa inay wax fahmaan oo ay gartaan in aan halkaasi ka jirin wax la naawilo iyo dawlada wax lagu darsado midna”.
Gebo’gabadii Aqoonyahan Maxamed Cali Maxamed ayaa soo dhaweeyay maxaabiista ay is dhaafsadeen dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxaanu sheegay inay tahay jawi wanaagsan oo lagu abuuri karo isku socodka ganacsiga iyo bulshada, waxaanu si gaar ah ugu bogaadiyay madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro sida uu ugu dhiiraday in hawshaasi hirgasho.
Waxa kale oo uu soo dhaweeyay Aqoonyahanku nabadda Ceel Af-wayn ee la soo xidhay, waxaanu ku bogaadiyay xukuumadda wadajir iyo waxqabad iyo hogaanka dhaqanka Somaliland sida ay xilka isaga saareen in nabadaasi xidhanto.




















