Hay’adda xuquuqul insaanka ee Hindiya ayaa baadheysa wararka sheegaya in in ka badan 100 carruur ah ay xanuunsadeen ka dib markii ay cuneen qado iskuul, kaddib markii mas meyd ah laga dhex helay cuntada.
Cunto kariyaha ama qofka cuntada bixinayey ayaa la sheegay in uu sii waday bixin qadada intii uu Maska bakhtiyey ka soo saaray cuntada, sida ay sheegeen komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka(NHRC).
Guddiga ayaa sheegay in ilaa 500 oo caruur ah la rumeysan in la siinayey dugsi hoy ah oo ku yaal magaalada Mokama ee gobolka Bihar ee bariga Hindiya.
Ka dib markii laga war helay xannuunka carruurta ayey dadka deegaanku bilabeen in ay xidhaan waddo iyaga oo mudaaharaadaya, ayay sida ay tidhi NHRC.
“Komishanku wuxuu indhana ku hayaa in waxyaabaha la sheegay, haddii ay run yihiin, waa arrin halis ah oo ku saabsan ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ee ardayda ah,” ayaa lagu yidhi hadalka.
Bayaanku wuxuu dalbaday “warbixin faahfaahsan” laba toddobaad gudahooda oo laga helo madaxda sare ee gobolka taas oo ay ku jiri doonto “xaaladda caafimaad ee carruurta”.
Dugsiga ayaa laga bixiyaa cunto bilaash ah, gaar ahaan maalintii (Mid-day Meal),
Cuntada laga bixiyo ayaa markii ugu horreysay lagu bilaabay carruurta ka soo jeeda reeraha saboolka ee koonfurta magaalada Chennai (Madras) 1925kii, ka dib waxay noqotay mid ka mid ah qorshayaasha ugu weyn adduunka ee lagula dagaallamo gaajada, korna loogu qaado imaanshaha dugsiga. Si kastaba ha ahaatee, waxaa se soo baxay cabashooyin ku saabsan nadaafadda dugsiyada iyo cuntada oo liidata.
Sannadkii 2013, cunto wasakhaysan ayaa lagu eedeeyay dhimashada 23 arday oo iskuullay ah oo ku yaal gobolka Bihar.Markii lagu sameeyey baadhitaan Booliisku waxay sheegeen in cayayaan sun leh lagu dhex kariyey.