Haweenay reer Koonfur Afrika ah ayaa lagu helay dambi ah inay afduubatay oo ay ka ganacsanaysay ilmo ay dhashay. Haweenaydan oo lagu magacaabo Kelly Smith, lammaaneheeda Jacquen Appollis iyo Steveno van Rhyn oo ay saaxiib ahaayeen ayaa la xidhay ka dib markii la waayey Inantooda Joshlin. Gabadhan yar ayaa la waayay gurigooda oo ku yaal Saldanha Bay, oo u dhow Cape Town, bishii Febraayo ee sannadkii hore.
Saddexdan ayaa Jimcihii la soo dhaafaylagu helay dambi ah afduub iyo ka ganacsiga Joshlin. Saddexduba waxay hore u sheegeen in aanay gelin dambigan.
Maqnaanshaha Joshlin ayaa argagax ku abuuray guud ahaan Koonfur Afrika, inkasta oo si weyn loo shaaciyay baadi goobkeeda, haddana weli lama helin.
Intii ay socotay dacwadda, dacwad oogayaasha ayaa ku eedeeyay Smith in uu iibiyay, ama uu wax ku bedeshay Joshlin oo ay ka been sheegeen maqnaansheheeda.
Kelly Smith ayaa ilmasay markii la akhriyay xukunka dambiga ah, halka lammaaneheeda Smith Van Rhyn uu si aan macno lahayn u dhoola cadeeyey.
Sacab ayey tumeen dadkii hoolka maxkamada soo buux dhaafiyay, waxaana dadkii daawanayay qaarkood ay bilaabeen inay ooyaan.
Smith hooyadeed ayaa goob joog ka ahayd ka dib markii ay dhammaatay dhageysiga, waxay sheegtay inay “ka careysan tahay” gabadheeda oo aysan dooneyn inay aragto.
“Waa inay ii sheegtaa meesha uu joogo ilmihii aan ayeeyada u ahaa,” ayey tidhi Hooyadeed.
Smith, Van Rhyn iyo Appollis waxa ay waajihi karaan xabsi daa’in – laakiin taariikhda xukunka weli lama sheegin.War qoraal ah oo ka soo baxay xukunka, booliisku waxay ku sheegeen inay sii wadi doonaan raadinta Joshlin.
Dareenka ugu badan waxa sheegtay Lourentia Lombarard, oo deris iyo saaxiibo ay yihiin Kelly Smith waxaanay noqotay markhaati dawladeed.
Ms Lombarad waxay ku eedaysay Kelly inay u sheegtay inay samaysay “wax nacasnimo ah” oo ay Joshlin ka iibisay dhakhtar dhaqameed, oo Koonfur Afrika looga yaqaano “sangoma”.
“Qofka Joshlin qaatay wuxuu u doonay indhaheeda iyo maqaarkeeda”, ayay Ms Lombarad u sheegtay maxkamadda.
Smith, Appollis iyo Van Rhyn waxa ay doorteen in aanay qabsan wax qareen ah difaacooda mana istaagin inta ay dacwadu socotay. Dadka deegaanka ayaa carruurtooda u baqaya waxay ka cabsi qabaan dhakhtar dhaqameedka Sangoma.