Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur oo ka mid ah golaha wakiillada Somaliland
Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur oo ka mid ah golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in hadda loo baahan yahay in laga faa’iidaysto danaynta ay Somaliland danaynayaan waddamada Maraykanka, Yurub iyo dalalka Carbeed.
Xildhibaan Maxamed Jaamac Koodbuur waxa kale oo uu tilmaamay in dawladda Maraykanku ay aad u danaynayso arrimaha Somaliland, kuwaasi oo ay sababeen duruufaha qalafsan ee ka jira Geeska Afrika iyo horumarka ballaadhan ee ay ku tallaabsatay Somaliland, oo ay ugu weyntahay doorashooyinka iyo dimuquraadiyaddu.
Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maraykankana danayn badan ayaa jirta oo uu danaynayo Somaliland, ha sababaan duruufaha ka taagan Geeska Afrika iyo waxyaabaha aynu qabsanay oo ka duwan waxyaabihii ka dhici jiray Geeska Afrika, sida Doorashooyinka nabadda ah ee inoo dhaca iyo nabadgelyadda iyo xasiloonida oo marka teena laga yimaado aynu qayb-weyn ka nahay ilaalinta ta Geeska Afrika.”
Mudane Maxamed Jaamac Koodbur waxa uu intaasi raaciyay “Marka waxyaabahaasi oo dhan la isku daro, Ingiriiska, Maraykanka iyo waddamo badan oo Yurub iyo Carab ah ayaad moodaa in ay hadda aad u danaynayaan Somaliland oo ay aad inoogu heelan yihiin, si weyna inoogu soo jeedaan, waxaana muhiim ah in laga faa’iidaysto oo siyaasad laga yeesho”.
Xildhibaan Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale ka xog-waramay socdaal ay xubno ka mid ah Baarlamaanka Somaliland ku tageyaan dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay la kulmi doonaa xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi waxaanu yidhi “Dhawaan waanu tageynaa anaga oo ah labada gole ee Somaliland xubno matelaya oo la kulmi doona Baarlamaanka Ingiriiska, Xidhiidh wuu jiraa labada dhinac ba, waxaanan ku tallo jirnaa in aannu ka duwanaano kuwii hore. Ujeedada aannu u tageyno iyo waxa aannu la tageynaaba inay ka duwanaadaan oo dalkana wax u taraan ayaan rajaynaynaa”.
Gebogabadii Xildhibaanka ayaa tilmaamay in uu sii wanaagsanaanayo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in Xildhibaanada u ololeeya Qadiyada Somaliland ay aad u soo badanayaan waxaanu yidhi “Xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland waligiiba wuu fiicnaa, imikana waa sidii, xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo caadi inoogu ololeya ayaa jira, weliba hadda way soo badanayaan.”