Qore C/wahaab Daahir Xasan
Hargaysa (Dawan) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA oo kaashanaya Ururka Baananka Somaliland SLBA ayaa shalay magaalada Hargaysa tababar muddo laba maalmood socon doona uga furan 30 Suxufi oo ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee dalka, kaasi oo ku saabsan doorka warbaahinta ee dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.
Tababarkan ayaa loogu talagalay in kor loogu qaado xirfadda suxufiyiinta ee la xidhiidha warbaahinta iyo dhaqaalaha, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo fahamka Saxaafada iyo dhaqaalaha iyo sidoo kale doorka warbaahintu ku yeelan karto wacyigelinta bulshada.
Geesta kale furitaanka tababarka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay dawlada oo ay ka mid ahaayeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe ee Somaliland, Xubno ka socday Rugta Ganacsiga iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Iyo sidoo kale madaxda ururada SOLJA iyo SLBA
Masuuliyiinta ka soo qayb gashay furitaanka Tababarka ayaa si wadajir ah u xusay muhiimada ay leedahay fahanka saxaafadda ee arrimaha dhaqaalaha, iyaga oo tilmaamay in saxafiyiinta tababarkan loo siinayo si ay sare ugu qaadaan xirfadooda si ay bulshada ugu gudbiyaan warar xog-ogaal ah oo tayadoodu sarreyso.
Gabogabadii, Tababarkan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada ay SOLJA iyo SLBA ku horumarinayso xirfadda suxufiyiinta Somaliland, si ay door mug leh uga qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.